Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo Caawa u Khudbeeyey Shacabka Baxdo

Saraakiil ka tirsan Ururka Alshabaab oo caawa soo gaaray degmada Baxdo oo qiyaastii 90 km u jirta degmada Cadaado ee  gobolka Galgaduud, ayaa shacabka Magaalada u khudbeeyey masjidka weyn. Saraakiishaan oo watay laba gaari oo nuuca raaxada ah ( Toyota Qooqan iyo Toyota Layla Calawi) ayaa salaada cisha xiligii la galayey soo gaaray halkaasi, iyagoo […]

Continue Reading

Daawo: Tiiceey oo si diiran loogu soo dhaweeyey Cabudwaaq

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynihii hore maamulkii Ximan & Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan Tiiceey ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey degmada Cabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud. Wafdigan ayaa kasoo kicitimay degmada Cadaado oo ay maalmahaan ku sugnaayeen, Masuuliyiin ka tirsan Galmudug, Maamulka Degmada Cabudwaaq, iyo qeybaha Bulshada ayaa Wafdiga uga hortagay duleedka Magaalada, waxaana kadib […]

Continue Reading

Buug ay si Wadajir u Maalgeliyeen FAO iyo Bangiga Aduunka oo loogu gefey Beelaha Gobolada Dhexe.

Waxaa  Shir jaraa’id ku qabtey Magaalada Muqdisho Laba Xildhibaan  oo ka soo jeeda Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed oo kala ah Xildhibaan Mahad Cabdi Dhoore  iyo Xildhibaan Abuukar Cabdulle Raage (Garmaqaate) ka dib markii ay ka caroodeen Buug ay si Wada jir ah u Maalgeliyeen Hay’adda  Qaaramada midoobey u Qabilsan    Horumarinta Beeraha ee  FAO iyo Bangiiga Aduunka, Buugaas oo Cinwaan looga dhigay  (REBUILDING  RESILIENT […]

Continue Reading

Weerarada Daacish ay ka geysato Somalia oo kordhay

Warbaahinta Caalamka ayaa baahisay Warbixino kala duwan oo ay kaga hadlaayaan Weeraradda Daacish ay ka fuliso Gudaha Soomaaliya. Wargeyska Long War Journal ayaa shaaciyay Warbixin uu kaga hadlaayo in bilihii lasoo dhaafay ay kordheen Weerarada Daacish ay ka fuliyaan Gudaha Soomaaliya. Dilalka qorsheysan ee Daacish ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho gudaheeda iyo deegaanada ku dhaw […]

Continue Reading

Madaxweyne Xaaf iyo Wafdi Dowladda Dhexe oo gaaray Hobyo (Sawirro)

Waxaa goordhow caga dhigatay garoonka diyaaradaha degmada Hobyo diyaarad siday wafdi balaaran oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Qorsheynta DFS Jamaal Maxamed Xasan , Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/laahi Salaad, Wasiiru dowlaha Howlaha Guud Axmed Qorqoor, Wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha Cabdullaahi Faarax, […]

Continue Reading

2 Wiil oo Koronto ku dishay magaalada Muqdisho

Aroornimadii saaka ayaa magaalada Muqdisho waxaa ku dhintay 2 wiil oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo la sheegay in ay dhimashadooda sabab u ahayd koronta qabatay xili ay meel wado ah marayeen. Wiilashan oo da’dooda lagu qayaasayo 16 ilaa 15 ayaa ku dhintay xaafad ku taala nawaaxiga xarunta Degmada Wartanabadda ee magaalada Muqdisho,sida uu soo sheegayo […]

Continue Reading

Maxaa Caawa ka socda Magaala xeebeedka Hobyo?

Magaala xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug waxaa caawa ka socda diyaargarowga munaasabadda xarigga looga jarayo wajiga koowaad dhismaha wadada Hobyo- Gaalkacyo. Waxaana maalmihii u dambeeyey gudaha magaalada ka socday diyaaragarowga munaasabadan. Sidoo kale waxaa la gaban gabeeyey dhismaha Aargada laga galo degmada Hobyo. Ciidmada Ammaanka ayaa si aad ah u adkeeyey ammaanka, waxaana saacadihii ugu […]

Continue Reading