MD Farmaajo oo maanta u safraya dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta u safraya Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid noqon doona , Wasiiro, xildhibaano iyo diblumaasiyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya. Booqashada Madaxweynaha ayaa qaadan doonta laba Maalin 13 iyo 14 May 2018, waxaana booqashada horey loo qorsheeyey in […]

Continue Reading

Shir-weynaha Qaran ee Daah-furka Dib-u-eegista Dastuurka oo maanta ka Furmaya Muqdisho

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furmi doona   Shir-weynaha Qaran ee lagu daah-furayo Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka. Shir-weynaha Qaran ee dastuurka ayaa maanta furmi doona , waxaana uu socon doona ilaa15-ka bishan Maajo, sida la qorsheeyayna waxaa ka […]

Continue Reading

Golaha Shacabka oo Akhrinta 1-aad Marsiiyey Hindise Sharciyeedka Shirkadaha

Kulanka guud ee Golaha Shacabka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa ay Xildhibaanada Akhrinta koowaad marsiiyeen Hindise Sharciyeedka Shirkadaha, waxaana Xildhibaanada u akhriyay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye. Maadaamaa hindise Sharciyeedkan uu maray Akhrinta koowaad ayay qaar ka mid […]

Continue Reading

Xaqiiqooyinka Dastuurka cusub ee Galmudug Qeybta 2-aad

Waa Qeybtii 2-aad ee Qormadeenii Xaqiiqooyinka Dastuurka cusub ee Galmudug,  Waxaana qeybtaan ku soo qaadaynaa Qodobadii ka dhimaan Cutubkii Koowaad, Si aad uga bogataan, haddii Alle idmo markii aan dhameyno aqrinta dhammaan cutubyada Dastuurka, waxaa xigi doona isbarbardhig Dastuurkii Galmudug iyo Kan cusub. Qodobka 4aad Astaanta iyo Calanka Dowlad Goboleedka Galmudug 1) Astaanta u gaarka ah […]

Continue Reading

Alshabaab oo duqeeyey Saldhigga Militariga Turkiga ee Muqdisho

Al-Shabaab ayaa sheegtay in saakay Aroortii ay duqeyn la beegsadeen saldhigga dowladda Turkiga ay ku leedahay Magaalada Muqdisho. Shabaab  waxaa ay sheegteen in ku dhawaad 13 Madfac ay ku dhufteen Saldhigga xilli  heegan la gelinaayay Ciidamada Soomaalida ee halkaasi lagu tababaro. Sidoo kale qaar ka mid ah dadka degan meel u dhow Saldhigga ayaa waxa […]

Continue Reading

Shacabka reer Ciraaq oo maanta u dareeraya doorasho

Warbaahinta dalka Ciraaq ayaa Shaacisay in Shacabka Ciraaq ayaa maanta galinka dambe u dareeraya codbixin markii ugu horeysay tan iyo markii dowladda Ciraaq ay ka guuleysatay ururka isku magacaabay dowladda Islaamka. Haider Al-Abadi Ra’iisal-wasaaraha haatan talada haya  ayay u badantahay in uu ku guuleysto doorashada balse waxaa loo maleynayaa in uu la kulmi doono loollan […]

Continue Reading

Dowladda oo Shaacisay magacyada saraakiil laga dilay Shabaab

Gen. C/laahi Cali Caanood oo ah Abaandullaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay magacyada saraakiil Shabaab ka tirsanaa oo uu sheegay in lagu dilay duqeyn maalin kahor ka dhacday deegaan u dhaw degmada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose. Abaandulaha oo u waramay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa waxa uu sheegay howlgalkan in […]

Continue Reading

Xaqiiqooyinka Dastuurka cusub ee Galmudug Qeybta 1-aad

Horudhac Dastuurka cusub ee dowlad goboleedka Galmudug  ayaa 5 May 2018 waxaa  ansixiyey Barlamaanka isku dhafka fadhi ay ku yeesheen magaalada Dusmareeb caasimadda Galmudug, Dastuurkan ayaa  Waxa uu ka kooban yahay 6 Cutub oo si guud u qeybsan  laba qeybood oo kala ah: Dastuurka Guud: Waana mid inta ka badan ka hadlaya 4 sano kadib […]

Continue Reading

Daawo: Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo ka hadashay Jadwalka Imtixaanka

Wasiirudowlaha Wasaaradda Waxbarashada Dowlad goboleedka Galmudug Burhaan Warsame Cigaal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Magaalada Cadaado ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan imtixaanka Dugsiyada deegaanada Galmudug. Wasiirka ayaa fariin u diray Maamulayaasha iyo Arday dugsiga Waxbarashada, sidoo kale waxa uu ka hadlay jadwalka imtixaanada sanadka 2018. halkaan ka daawo. La […]

Continue Reading