Akhriso Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Galmudug

Gudiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa soo saaray Jadwalka Doorashada Madaxweynaha. Jadwalkan ayaa waxaa ku xusan in Doorashada Madaxweynaha Galmudug la qaban doono 30 September 2018. Sidoo guddiga doorashada ayaa soo saaray shuruudaha Musharaxiinta u tartamaya Madaxweynaha Galmudug. Halkaan hoose ka aqri jadwalka doorashada Madaxweynaha.

Continue Reading

Wararkii ugu dambeyey ee dagaalka deegaanka Dacdheer

Deegaaka Dacdheer oo qiyaastii 70km galbeed uga beegan degmada Cadaado ayaa saaka aroortii waxaa ka bilowday dagaal culus oo u dhaxeeyey maleeshiyo beeleed kasoo kala jeeda Cabudwaaq iyo Cadaado. Dagaalka oo markii hore ku bilowday qoryo cagmeed ayaa dib waxaa uga biiray gawaarida dagaalka, Waxaa la sheegayaa inuu ka dhashay khasaare xooggan, inta la og […]

Continue Reading

NISA oo sheegtay in ay Muqdisho ku qabteen Rag Alshabaab ah

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay Labo xubnood oo ka tirsanaa amniyaadka kooxda Al-Shabaab, xilli ay ku dhuumaalaysanayeen qaybo ka mid ah Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir. Qoraal kooban oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa waxay ku sheegtay inay Ciidamada ammaanku soo qabteen shaqsiyaadkan […]

Continue Reading

Faafaahin Dagaal Xalay ka dhacay Duleedka Cadaado

Duleedka Magaalada Cadaado ayaa xalay waxaa ka dhacay dagaal kooban oo u dhaxeeyey ciidamo ka wada tirsan Daraawiishta Galmudug, ciidamo kasoo kicitimay Gaalkacyo oo uu watay Nin lagu magacaabo Liibaan Shuluq ayaa waxaa dhabagal ku sameeyey ciidan ka tagay Cadaado inta u dhaxeysa Galinsoor iyo Cadaado. inta la xaqiijiyey hal askar ayaa ku dhintay halka […]

Continue Reading

Waare oo la heshiiyey Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Federaalka ka heshiiyeen khilaafka u dhaxeeyay, waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka in wada hadal la furto maamul goboleedyada. Madaxweyne Waare oo ahaa gudoomiye ku xigeenka Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa cadaadis kala kulmay madaxda […]

Continue Reading

M. Xaashi oo ka jawaabay Hadalkii Golaha Iskaashiga D. Goboleedyada

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi ayaa ka jawaabay warsaxaafadeed dhaawaan ka soo baxay Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada, isagoo ku tilmaamay marin habaabin waxa ay isku hayaan Madaxda Galmudug. Maxamed Xaashi ayaa jawaabtiisa ku cadeeyey waxa salka u ah khilaafka Madaxda Galmudug. halkaan hoose ka aqriso

Continue Reading

Wafdi ka socda Aqalka Sare BFS oo gaaray Dusmareeb (Sawirro)

Magaalada Dusmareeb caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa galabta waxaa gaaray wafdi ka socda Aqalka Sare oo uu hogaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Wafdigan ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir, Gudoomiye ku xigeenada Barlamaanka Galmudug. Wafdigan ayaa kulamo alabaadu u xiran yihiin la qaadan doona Madaxda Dusmareeb ku […]

Continue Reading

Dowlad goboleedyada oo ka hadlay khilaafka Galmmudug

Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed wuxuu si dhow ula socdaa xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Dawlad Goboleedka Galmudug ka soo cusboonaatay. Goluhu isagoo aad uga walaacsan xaaladda sii murgeysa ee Dawlad Goboleedka Galmuug, ayuu u-kuur gal iyo wada-tashi ballaaran ka dib: Cambaaraynayaa afduubka ay aragaggixisada Alshabaab u geysteen odayaasha deegaanka Galmudug, wuxuuna ku baaqayaa in […]

Continue Reading

Beesha Saleebaan oo heshiis rasmi ah dhex dhigtay walaalaha Fiqi Maxamed (Video)

Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug ayaa lagu soo afmeeray gogol dib u heshiineed oo muddo 2 bilood ka badan ka socotay, gogoshaan ayaa waxaa dhigay Beesha reer Xaaji Saleebaan , waxayna u dhigeen Beesha Fiqi Maxamed oo muddo laba sano ku dhow ku dagaalamayey deegaanka Xaraale gobolka Galgaduud. Beesha Saleebaan ayaa qaadatay in ay bixiyaan […]

Continue Reading