NISA oo sheegtay in ay Muqdisho ku qabteen Rag Alshabaab ah

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay Labo xubnood oo ka tirsanaa amniyaadka kooxda Al-Shabaab, xilli ay ku dhuumaalaysanayeen qaybo ka mid ah Degmada Dharkeynleey ee Gobolka Banaadir. Qoraal kooban oo ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa waxay ku sheegtay inay Ciidamada ammaanku soo qabteen shaqsiyaadkan […]

Continue Reading

Waare oo la heshiiyey Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Federaalka ka heshiiyeen khilaafka u dhaxeeyay, waxaa uu ugu baaqay dowladda Federaalka in wada hadal la furto maamul goboleedyada. Madaxweyne Waare oo ahaa gudoomiye ku xigeenka Golaha iskaashiga Dowlad goboleedyada ayaa cadaadis kala kulmay madaxda […]

Continue Reading

Wafdi ka socda Aqalka Sare BFS oo gaaray Dusmareeb (Sawirro)

Magaalada Dusmareeb caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa galabta waxaa gaaray wafdi ka socda Aqalka Sare oo uu hogaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. Wafdigan ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf, Madaxa Xukuumadda Sheekh Shaakir, Gudoomiye ku xigeenada Barlamaanka Galmudug. Wafdigan ayaa kulamo alabaadu u xiran yihiin la qaadan doona Madaxda Dusmareeb ku […]

Continue Reading

Dowlad goboleedyada oo ka hadlay khilaafka Galmmudug

Golaha Iskaashiga Dawlad Goboleedyada Soomaaliyeed wuxuu si dhow ula socdaa xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Dawlad Goboleedka Galmudug ka soo cusboonaatay. Goluhu isagoo aad uga walaacsan xaaladda sii murgeysa ee Dawlad Goboleedka Galmuug, ayuu u-kuur gal iyo wada-tashi ballaaran ka dib: Cambaaraynayaa afduubka ay aragaggixisada Alshabaab u geysteen odayaasha deegaanka Galmudug, wuxuuna ku baaqayaa in […]

Continue Reading

Beesha Saleebaan oo heshiis rasmi ah dhex dhigtay walaalaha Fiqi Maxamed (Video)

Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug ayaa lagu soo afmeeray gogol dib u heshiineed oo muddo 2 bilood ka badan ka socotay, gogoshaan ayaa waxaa dhigay Beesha reer Xaaji Saleebaan , waxayna u dhigeen Beesha Fiqi Maxamed oo muddo laba sano ku dhow ku dagaalamayey deegaanka Xaraale gobolka Galgaduud. Beesha Saleebaan ayaa qaadatay in ay bixiyaan […]

Continue Reading

Xareed oo xilkii laga qaaday iyo Gudiga doorashada Madaxweynaha oo la magacaabay (Video)

Barlamaanka Galmudug oo fadhi ku yeeshay xarunta kafaalo magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir. Fadhigan ayaa waxaa xaadir ahaa 48 xildhibaan, waxaana dood kadib cod kalsoonida loo qaaday Xareed Cali Xareed Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Barlamaanka Galmudug oo 30 xildhibaan Mooshin kasoo gudbiyeen. 48 xildhibaan […]

Continue Reading