Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug ayaa lagu soo afmeeray gogol dib u heshiineed oo muddo 2 bilood ka badan ka socotay, gogoshaan ayaa waxaa dhigay Beesha reer Xaaji Saleebaan , waxayna u dhigeen Beesha Fiqi Maxamed oo muddo laba sano ku dhow ku dagaalamayey deegaanka Xaraale gobolka Galgaduud.
Beesha Saleebaan ayaa qaadatay in ay bixiyaan diyada 33 qof oo ay iska dileen walaalaha Fiqi Maxamed, si loo soo afjaro colaadii taagneyd.
Dhanka kale Waxaa heshiiskaan goobjoog ka ahaa siyaasiyiin ay ka mid yihiin Maxamed Guuleed Gacmadheere, Sh. C/qaadir Cali Cumar, Bashiir Dhoolayare, Cabdi faarax Jaamac, Sheekh Salaad, Cabdi Kuus iyo wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Galmudug Maxamed Cabdi Colaad.
halkaan ka daawo heshiiska.