Caleemaasaarkii Madaxda Puntland (Sawirro)

Munaasabadda caleemasaarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland ayaa xalay lagu qabtay magaalada Garoowe Caasimadda Puntland. Munaasabadan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Gudoomiye ku xigeenka 2aad Golaha Shacabka Mahad Cabdalla, Madaxda Maamul goboleedyada, Madaxweynayaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif, Xildhibaano, Wasiiro, Salaadiin, fanaaniin […]

Continue Reading

RW Abiy Axmed oo Xaliyay Khilaafkii Madaxda DDS

War qoraal ah oo uu soo dhigay Bartiisa Twitterka ayuu R/wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku sheegay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Mas,uuliyiinta ugu sareyso Ismaamulka Soomaalida Itoobiya. Abiy ayaa qoraalkaasi soo raaciyay Sawir uu la galay Wasiirka Maaliyada Itoobiya ahna gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Dowlad deegaanka Soomaalida Axmed Shide, iyo Madaxweyne Mustafa […]

Continue Reading

(Sawirro) Sidee Garowe lagu soo dhaweeyay Madaxwayne Farmaajo

Wafdi uu hogaamainayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Faramaajo ayaa  waxa ay goor dhaw gaareen maagalada Garoowe. Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha  Magaalada Garoowe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha la calemasaarayo ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas,uuliyiin kale oo iyaguna soo dhaweynta Madaxweynaha safaf ugu jiray. Waxaa sidoo kale Barxada Garoowe ilaamaa Garoonka ku safnaa […]

Continue Reading

Madaxwayne Dani oo Maanta Garowe lagu Caleema-saarayo

Waxaa Magaalada Garoowe ee xarunta u ah Maamulka Puntland ka socda qabanqaabadii u dambeysay Munaasabad maanta lagu caleemasarayo Madaxweynaha Cusub ee Maamulkaasi Siciid Cabdullaahi Deni. Waxaana Garoowe saakay uu waaga ugu baryay Mas,uuliyiin ka socday dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo mas,uuliyiin kale oo Mucaarad ku ah dowladda dhexe,Siyaasiyiin xilal hore kaga soo qabtay dowladahii Soomaaliya […]

Continue Reading

Facebook oo isku dhex dareysa WhatsApp, Instagram iyo Messenger

Shirkadda Facebook ayaa damacsan qorshe ay ku dooneyso iney mid uga wada dhigto adeegyadeeda farriimaha la isugu diro ee kala ah Instagram, WhatsApp iyo Messenger-ka, sida uu shaaciyay wargeyska New York Times. Inkastoo ay saddexda adeeg wada ahaan doonaan kuwo mid walba uu gaarkiisa u taagan yahay, haddana farriimaha la isugu diro mid ka mid […]

Continue Reading

DF oo War ka soo saartay Shir la Sheegay in lagu Xaraashayo Shidaalka Dalka

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya ayaa faahfaahisay shirka London ee lagu soo bandhigayo kheyradka shidaalka Soomaaliya,iyadoo shirka ay ka qaybgalayaan wasaaradda,xubnaha dawlad gobolleedyada ,ganacasatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha caalamiga ah ee shidaalka. “Shirkan waxa lagu soo bandhigi doonaa kheyraadkeenna shidaalka”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda Batroolka iyo Macdanta  oo inta ku daray “Waxna […]

Continue Reading

Garowe ayay Gartu taalaa! W/Q: Xil: Fiqi

Munaasabadda Caleemo-saarka ee Maanta ka dhacaysa Garoowe waxay kulminaysaa, maamuladii gobolada ee Intooda badan ay kala irdhaysnaayeen Villa Soomaaliya sanadkii u danbeeyay, iyo dhanka kale siyaasiyiin khilaaf xoogani uu kala dhexeeyay hogaanka Villa Soomaaliya….. iyo umaddo kale oo Xagga iyo Xagga u dhexeeya.. Mid ka mid ah mas’uuliyadaha madaxda Villa Soomaaliya waa isku haynta dalka […]

Continue Reading

Kulano Xalay ka dhacay Garowe

Kulamo kala duwan oo u dhaxeeyay Madaxda maamul goboleedyadda ayaa Xalay ka dhacay Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland. Kulamaddan ayaa ahaa kuwo diiradda lagu saarayay Wada shaqeynta maamulada, waxaana ka garwadeen ka ah Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Dani. Magaalada Garowe ayaa waxaa ku sugan dhammaan Siyaasiyiinta Mucaaraadka ah ee dowladda kasoo horjeedda , […]

Continue Reading

Afar Qodob oo laga barankaro Caleema-saarka Madaxwayne Dani

Marka laga yimaado doodaha mucaaradka iyo muxaafidka ee nooca siyaasiyiinta lagu casumayo xafladda Caleema saarka MW cusub ee Puntland iyo cidda la siinayo khudbadaha iyo maamuuska , waxaa jira duruufo siyaasadeed oo dhawra oo ku gadaaman xafladda caleema saarka , taas oo dhalisay xiisaha gaargka ah ee danlayda (stakeholders ) iyo daneeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay […]

Continue Reading

Madaxda Hirshabeelle iyo K/Galbeed oo gaaray Garowe

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa gaaray Magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Garowe. Madaxweynaha Puntland Dani iyo ku xigeenkiisa ayaa kusoo dhaweeyay Garoonka waxaana Madaxda ay sheegeen in ay ka qeyb gali  doonaan Xafladda Caleemasaarka Madaxda Cusub ee Puntland. […]

Continue Reading