Marka laga yimaado doodaha mucaaradka iyo muxaafidka ee nooca siyaasiyiinta lagu casumayo xafladda Caleema saarka MW cusub ee Puntland iyo cidda la siinayo khudbadaha iyo maamuuska , waxaa jira duruufo siyaasadeed oo dhawra oo ku gadaaman xafladda caleema saarka , taas oo dhalisay xiisaha gaargka ah ee danlayda (stakeholders ) iyo daneeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay u leedahay xafladdu, waxaana ka mid noqon kara duruufahaas:
1- Qorshihii Dawladda Federaalka ee ahaa in maamulka Puntland loo doorto MW iyagu abaal ku leeyihiin oo taageero lacageed iyo mid siyaasadeed kusoo saareen oo lagu hungoobay , tiiyoo mucaaradka Federaalku u arkeen fursad meesha ka saari karta dadaalkii ahaa in dawlad goboleedyada iyo mucaaradka la muquuniyo ka hor doorashada 2020-2021.
2- MW cusub ee Puntland oo qolo walbaa suxul duub ugu jirto (mucaarad iyo mu’ayid) kasbashada taageeradiisa siyaasadeed si ay ugu dhibca tirsato maadaama Puntland loo arko curadka dawlad goboleedyada oo maaliyad ahaan , siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan ugu madaxbannaan Dawladda federaalka.
3-Qaybo ka tirsan beesha caalamka sida UK , EU , IGAD iyo Midawga Africa oo qaadacay tegista caleema saarkii MW Koonfur Galbeed oo imaanaya xafladda MW Siciid Deni , tiiyoo ka dhigan farriin adag oo ay qolyahaasi u dirayaan Koonfur Galbeed iyo Dawladda Federaalka .
4- Cabsi siyaasiyiin badan iyo maamulada qaar ka qabaan in nidaamka federaalka ee la isla qaatay , dastruuriga noqday la wiiqo , waxayna siyaasiyiintaasi aaminsanyihiin in maamulka ugu muhiimsan ee hannaanka federaalka difaaci kara xilligan oo dib u eegista dastuurka socoto uu yahay dawlad goboleedka Puntland .
Isku soo wada duubaw , waqtiga caleema saarka oo kusoo aaday xilli baratanka siyaasadda dalku meel xasaasi ah marayo iyo shakhsiyadda MW la doortay iyo hanqaltaaga siyaasiyiin badan ka qabaan doorashada 2020-2021, waxa lagu tilmaami karaa sababaha ugu waawayn ee xiisaha u yeelay xafaladda caleema saarka MW cusub ee Puntland
QORE : Salim Said