Munaasabad Mahad celin ah oo xalay Cadaado loogu qabtay Odawaa iyo Mahad Salaad (Sawirro)

Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu maamuusayey wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen Odaawa, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mudane Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan Jawaahir ayaa xalay lagu qabtay Hoolka xafladaha ee Madaxtooyada Galmudug Magaalada Cadaado. Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ahna ku simaha […]

Continue Reading

Waxaan La Hadlayaa!! W/Q; Maxamed Axmed Cali

Waxaan la hadlayaa Hooyada wiilasheedu jiifaan xabsiyada Liibiya, Hindiya, iyo Godka jilacow, ee la yiri “wuu tahriibay”, “waa burcad badeed”, iyo “waa argagixiso”, raadiyahana ka maqleysa “waa la xukumay”. Waxaan la hadlayaa gabadha labada cunug haysata ee aabbahood qaraxa lagu dilay. Waxaan la hadlayaa wiilka xoogga furan, daacadda ah, wax bartay, niyadda wanaagsan, laakin, hoos […]

Continue Reading

Taariikh Nololeedka Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale

Allaha u naxariistee Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale, Hooyadiis  Waxaa lagu magacabaa Muumino Maxamed Yuusuf Shiikhow, waxa uu ku dhashay deegaanka Dabagalo ee degmada Xarardheere gobolka Mudug sanadkii 1957 kii. Waxbarashadiisa dugsiga hoose/dhexe ku qaatay degmada Sablaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, halka waxbarashadiisa dugsiga sare ku qaatay Magaalada Muqdisho sanadkii 1975 kii. Jeneraal Goobaale waxa uu […]

Continue Reading

Khatar Caafimaad oo ka dhalan karta Mobile-ka jeebka Surwaalka lagu qaato

Baqdinta laga qabay caafimaad daro ka dhalata mobile-ka oo lagu qaato jeebka surwaal ayaa sare u kacday, kadib markii quburo caafimaad sheegeen in mobile-ku oo jeebka surwaalka la gashto ay saameyn ku yeelato ragga, gaar ahaan dhanka taranka. Cilmi baaristan cusub oo ka kooban 21 bog ayaa cadeynaysa in ragga taleefanka ku qaata jeebka surwaalka […]

Continue Reading

Baroortu Orgiga ka weyn!!!.. Xayiraada Puntland Ganacsiga koofurta

Maamulka Puntland ayaa 1 bishan Sebtembar joojiyay gaadiidka xamuulka ee u kala gudbaya koofurta Soomaaliya iyo Puntland, waxa ayna ku sababeeyeen sugidda Ammaanka deeganada Puntland, inkasta oo arintu sidaa ka duwaneyd, Gaadiidleyda ka soo jeeda koofurta Soomaaliya ayaa lagu amray in wareejiyaan buugga lahaanshaha gaariga hadii ay u gudbayaan koofurta Soomaaliya, xoolihii ka imaan jiray […]

Continue Reading

Facaa iska celi iyo Fowdeynta dastuurka ka fiirsada! WQ: Axmed Guutaale

Dastuurka kmg ah iyo hannaanka billowga ah ee Federaalnimadu, waxa ay wajahayaan fowdo siyaasadeed, madaxda dowlad-goboleedyadu waxa ay u dhaqmayaan sida in aan ficilkoodu yeelan doonan raad iyo saameyn qarameed. Falcelinta go’aanka ay dowladda Soomaaliya ku hakisay, duulimaadka Qaadka Kenya, u soo dhoofiso Soomaaliya ayaa soo shaac bixiyey faham xumida Dastuurka iyo habka Federaalka ee […]

Continue Reading

Sida Soomaaliya loo nabaad guuriyay oo loo xaalufiyay

Deegaanka Soomaaliya wuxuu ahaan jiray deegaan dhir badan, kaymo, daaqsiimo oo baad badan. Kaymahaas iyo geedaas iyo daaqsimahaas si kas iyo ula kac ah oo loo qorsheeyey ayaa lagu wada gooyay, oo dhulkii loo nabaad guuriyay. Waxaana qorshahaas dejiyay dawlado galbeed ah, oo ay Maraykanka iyo Ingiriisku ugu horeeyaan oo hormuud u ahaayeen. Waxay labadaas […]

Continue Reading

Faallo: Wajiyo Kala Duwan & Aragtiyo Isku Mid Ah !

Billaabashada ole olaha doorashooyinka madaxtinimo waxa uu ka dhigan yahay soo if bixidda aragtiyo iyo hiraallo kala duwan oo cod bixiyayaasha shacabka sida dadban u matalaya siiya xulashooyin ay ku kala doortaan murshaxiinta u taagan xilka madaxwenaha Soomaaliya hogaamin doona Afarta sano ee soo socota. Caqabadda ugu weyn ee murashaxa madaxtinimo qabsan doonta ayaa ah […]

Continue Reading

Sawirro: Curadda Obama oo la Sawiray iyadoo Xashiish Dhuuqeysa

Qaar ka mid ah Saxaafada dalka Mareeykanka ayaa si aad ah u daba dhigtay gabadha ama Curada Madaxweyne Barack Obama Malia Obama oo lagu qabtay iyada oo cabeysa ama Dhuuqeeysa maandooriyaha Xashiishada loo yaqaan . Xili ay safar gaaban ku maqnaayeen Madaxweyne Obama iyo Xaaskiisa Michella ayaa waxaa la sheegay in gabadhiisa Malia ay xaflad […]

Continue Reading

Barbaariye bulsho Ustaad C/qaadir Maxamed Shirwac.

Prof C/qaadir Maxamed Shirwac waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo noloshiisa inteedii badneyd u hibeeyay barbaarinta iyo wax barista ardeyda Soomaaliyeed . Dadka aan garaneyn C/qaadir Shirwac waa abwaan waxana heesaha uu sameeyay ka mid ah heesta caanka ah ee “Qarad” ee uu ku luuqeeyo fannaanka weyn Xasan Aden Samatar . Ustaad C/qaadir Shiwac waxaa uu muddo […]

Continue Reading