Axmed Barre oo loo doortay Gudoomiyaha Garoowe

Wararka Maanta

Golaha deegaanka Magaalada Garowe ayaa u doortay guddoomiyaha cusub ee magaaladaas Axmed Barre ka dib doorasho maanta lagu qabtay Magaalada Garowe.

Musharaxiinta kala ah , Axmed Bare Siciid Muuse iyo Maxamed Abshir Jaamac Bakuuke ayaa ku tartamaayay Duqa Magaalada Garowe.

Doorashada ayaa waxaa ku guulaystay Axmed Bare Siciid Muuse oo helay 18 cod , halka Maxamed Abshir Jaamac Bakuuke helay 8 cod.

Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Garoowe ayaa ka kooban 27 Xubnood oo dhawaan la soo xulay .

Goobta ay doorashadu ka dhacday waxaa goob joog ka ahaa ,wasiirka arimaha Gudaha iyo dowladaha hoose C/laahi Timacade iyo kuxigeenkiisa iyo Wasirka Caafimaadka Puntland.