Caruur Gaari lagu jiirsiiyay Xaafad ka mid ah Muqdisho

Wararka Maanta

Laba caruur ah ayaa geeriyootay, laba kalena way dhaawacmeen, kadib markii gaari nuuca raaxada ah lagu jiirsiiyay wadada UNICEF ee u dhaxeysa Suuqa Beerta iyo Buundada qeybta degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa sheegay gaariga caruurtan dilay inuu ka yimid dhanka Ceel-gaabta markii uu marayayna aagga UNICEF uu marqura caruurtan oo taagnaa wadada dhinaceeda ku jiiray.

Caruurtan oo ay Da’dooda u dhaxeysay 14 sano ilaa 9 sano ayaa dadka degaanka waxa ay sheegeen inay u socdeen xilligaasi Dugsi Qur’aan.

Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Waberi Gen. Xabad oo tagay goobta uu shilkan ka dhacay ayaa sheegay dadka gaariga saarnaa ee shilkan geystay inay ahaayeen Afar qof oo laba ka mid ah ay Dumar yihiin.

Wuxuu sheegay inuu baxsaday Darawalkii gaariga waday balse ay gacanta ku dhigeen raggan kale ee gaariga la socday, wuxuuna intaas raaciyay baaritaan ay sameeyeen kadib inay ku ogaadeen dhalinyarada gaariga la socotay iyo Darawalkaba inay isticmaaleen Maandooriye.

Booliska Soomaaliya ayaa dadka shilkan geystay u kaxeeyay xarunta Dambi baarista ee CID-da, waxayna weli ku daba jiraan Darawalkii gaariga waday oo baxsad ah.

Dadweyne aad u fara badan oo ay ka mid yihiin ehelada caruurta gaariga la jiirsiiyay ayaa isugu yimid goobta uu shilka ka dhacay, waxayna halkaasi ka dhigeen isu soo bax ay arrintaasi uga soo horjeedaan.