Cali Gacal: Waa Sharci darro wixii shalay ka dhacay Dusmareeb (Video)

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo maanta shir jaraaid ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Cadaado xarunta Barlamaanka Galmudug ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Dusmareeb.

Cali Gacal ayaa sheegay in ay sharci darro tahay wixii shalay ka dhacay Dusmareeb, sidoo kale wuxuu ugu baaqay xildhibaanada maqan in ay deg deg ku yimaadaan Cadaado, si ay howshooda u qabsadaan.

Halkaan hoose ka daawo Shirka Jaraa’id

Share garee