Cali Gacal oo ka hadlay Doorashada Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Guddoomiyaha baarlamaanka Maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa eedeyn kulul uu u jeediyey dowlad goboleedka Puntland iyo qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Shir Jaraa’id uu u qabtay Warbaahinta ayuu ku sheegay in Maamulka Puntland iyo qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ay wadaan faragelin ay ku hayaan Siyaasada arrimaha gudaha ee Galmudug,waxaana uu ka dalbaday inay joojiyaan.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in kulan ay yeesheen Xildhibaanada Galmudug iyo guddoonkooda ay soo dhaweeynayaan habraaca doorashada Dowlad goboleedyada oo ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Waxaa kaloo uu sheegay in guddoonka Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaanada ay dalbanayaan in cidii aan isku soo dhaweyneynin Madaxda Galmudug aysan kala fogeen,isaga oo eedeyn kulul u jeediyey Maamulka Puntland iyo Xisbiyada qaar.

Hadalkaan kasoo baxay Guddoomiyaha baarlamaanka Maamulka Galmudug  weli wax jawaab ah kama bixin Maamulka Puntland iyo qaar ka mid ah Xisbiyada dalka ka jira oo uu Eedeynta u jeediyay.

Halkaan ka daawo Shirka jaraa’id Cali Gacal