Cadaado: Guddiga doorashada Heer dowlad goboleed oo kulamo la leh Madaxda iyo Waxgaradka Galmudug

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Waxaa magaalada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka ee dowlad goboleedka Galmudug ku suggan Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Galmudug, Guddigan ayaa labadii maalmood la soo dhaafay kulamo la lahaa Madaxda iyo Waxgaradka Galmudug.

14100514_10205748880880064_5161773630189554567_n

Guddigan ayaa shalay kullan kula yeeshay Xarunta Madaxtooyada Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, waxa ayna ka wada hadleen arimaha doorashooyinka, iyo sidii Galmudug ugu diyaar garoobi laheyd, Guddigan oo ka kooban 11 xubnood ayaa 8 kamid waxaa soo magaacabay Madaxda Galmudug, Halka 3 kale ay dowladda federaalka soo xushay.

Gudoomiyaha guddigan Xuseen Sheekh Axmed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in ay muddo 10 maalmood ah ay joogayaan Galmudug, kadibna ay ku laaban doonaan Magaalada Muqdisho, si ay warbixin ugu gudbiyaan guddiga doorashada Heer federaal, waxaana Guddiga doorshada heer federaal warbixin horgeyn doonaan shirka Madasha oo lagu balan san yahay in 7 Sebtembar Magaalada Muqdisho lagu qabto.

ilo xog-ogaal ah ayaa inoo sheegay in ay suurtagal tahay in guddiga doorashadu Madasha hogaamiyayaasha hor dhigo qorshe ah in aan hadda la qaban karin xulashada xubnaha aqalka sare, ayna doorashadu ku soo koobanto kaliya xulashada xubnaha aqalka hoose.

Comments are closed.