Ciidamada Booliska Somaliya iyo kuwa Nabad Suggida howlgal ay xalay si wadajir ah uga fuliyeen Degmooyinka Xamar jajab iyo Waaberi ayaa waxaa lagu soo qabtay tiro dad ah oo ciidamada ay tuhmayaan.
Howlgalkaan oo ciidamada ay gudaha ugu galayeen Xaafado ka tirsan Degmooyinka howlgalka laga fuliyay, ayaa ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida waxa ay ku soo qabteen dad fara badan, inkastoo markii dambe dadkaasi la kala saaray.
Howlgalkii xalay ayaa waxaa hor kacaayay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geeddi, iyadoo Booliska ay wateen dadkii laga soo dhex saaray dadkii howlgalka lagu qabtay.
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay dadka la soo qabtay inay gaarayaan 20 ruux oo si gaar ah loogu tuhmaayo inay Shabaab ka tirsan yihiin, balse baaritaano dheeri ah la marsiin doono.
Habeen hore ayaa Degmada Xamar jajab waxaa ka dhacay dil loo geystay Askari ka tirsanaa ciidamada Millateriga Somaliya.
Comments are closed.