Wasiiro Maanta ku shiraya Balcad

Wararka Maanta

Golaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta Markii ugu horeysay  Shir ku yeelanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Kulanka  Maanta ka dhacaya Magaalada Balcad ayaa waxaa warbixino looga dhageysan doonaan Wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle.

Waxaa uu sidoo kale kulanka golaha Wasiirada Hirshabeelle diirada lagu saari doono horumarinta degaanada maamulka Hirshabeelle iyo sidoo  kale baahinta nidaamka dowliga ah.

kulankaan waxaa shir guddoomin doona Madaxweynaha Hirshabeele Cali Cabdulahi Cosoble.

Waa markii ugu Horeeysay ee shirka Golaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Hirshabeelle lagu qabanaayo Magaaladda Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhaxe.