Dhawaan ayaa koox burcad ah doon ganacsi ka soo afduubteen xeebta degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxayna doontii iyo shaqaalihii saarnaa geeyeen xeebta deegaanka Murgane oo u dhow degmada Hobyo.
Doonidaan oo u rarneyd ganacsato Soomaali ah ayaa waxaa burcadu la dageen 9 ka mid ah shaqaalaha doonta oo u dhashay dalka Hindiya, waxaana kadib la aadeen dhulka howdka ee duleedka Hobyo, iyagoo 2 shaqaale iyo koox burcad ah ku reebay doonta.
Dadka degmada Hobyo ayaa go’doomin ku sameeyey kooxda burcadda ah, waxaana lagu guuleystay inaysan helin ciidan dheeraad ah iyo saad, taas oo sahashay in lagu guuleysto in gacanta lagu dhigo doontii iyo labadii shaqaalaha ahaa.
Dhanka kale ciidamo deegaanka iyo odayaal ayaa ku raad jooga koox burcad ah oo heysata 9 ka mid ah shaqaalaha doonta, waxaana shalay lagu guuleystay in la xiro mid ka mid ah kooxda burcadka iyo gaari uu waday, gaarigaas oo burcada adeeg u siday.
Waxgaradka iyo ciidamada deegaanka ayaa rajo ka qaba inay soo furtaan shaqaalahaas, iyagoo wacad ku maray inaysan ogolaan doonin in burcad dad iyo doonyo ku afduubato deegaankooda.