Borussia Dortmund Oo Iska Fasaxaysa Pierre-Emerick Aubameyang bisha Janaayo

Ciyaaraha

Borussia Dortmund ayaa go’aansatay inay iibiso weeraryahan Pierre-Emerick Aubameyang bisha Janaayo ka dib dhowr arimood oo anshax la xiriira, sida ay sheegayaan wararka.

Ciyaaryahanka Gabon ayaa la rumeysan yahay inuu soo daahay dabayaaqadii tababarka horaantii bishii November, xayiraadii labaad ee sanadkaas.

Natiijadaas darteed, Aubameyang ayaa la siiyay ganaax taasoo keentay inuu seego kulankii Dortmund ee Bundesliga oo ay la ciyaareen Stuttgart 17kii November, guuldaradii 2-1 ee ka soo gaartay kooxda Peter Bosz.

28 jirkaan ayaa qirtay inuusan wax danbi ah lahayn, waxaana uu shaaca ka qaaday in ganaaxa uu ku dhacay isaga, halka Dortmund ay diiday inay ka hadasho nooca ganaaxa.

Sida laga soo xigtay wargeyska Jarmalka Bild, Aubameyang ayaa doonaya inuu ka tago kooxda Westfalenstation, waxaana kooxda ku doonaysaa qiimo dhan £ 54m.

Aubameyang ayaa dhaliyay 17 gool 19 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan Schwarzgelben.