Barlamaanka cusub ayaa go’aan ka gaaraya Xubnaha lagu kordhiyey Aqalka sare

Wararka Maanta

4ea478fa-1c50-4eb6-b3a9-323d3fa8ae01_w987_r1_s

Xoghayaha baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Saxaafadda ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay howlaha baarlamaanka iyo sida laga yeelayo go’aamadii horay uga soo baxay hogaamiyayaasha madasha wada tashiga ee la xiriira hanaanka doorashada.

Ugu horeyn mar uu ka jawaabayay su’aal aheyd sida laga yeelayo 18ka kursi ee lagu kordhiyay xubnaha aqalka sare  ayuu sheegay in arintaasi tahay mid u baahan sharciyad, madaama dastuurka federaalka uu dhigayo oo kaliya in xubnaha aqalka sare ka koobnaan karaa 54 xubnood.

‘’Qodobkan wuxuu ka mid yahay howlaha hor yaala xildhibaannada baarlamaankan 10aad ee federaalka oo looga baahan yahay in ay go’aan ka gaaraan, waayo dastuurka waxaa ku qoran aqalka sare in uu ka kooban yahay  54 xubnood  oo kaliya, sidaa daraadeed barlamaanka ayaa taa go’aan ka garaya’’ ayuu yiri xoghayaha baarlamaanka.

Siddoo kale waxaa uu hoosta ka xariiqay in wixii hada ka danbeeya tallada dalka ka soo wareegtay hogaamiyayaasha madasha wada tashiga oo wixii go’aamo ah oo la xiriira doorashada iyo guud ahaanba geedi socodka siyaasada Soomaaliya looga baahan yahay in uu jaangooyo baarlamaankan cusub oo kalfadhigiisii ugu horeeyay yeeshay maalintii shalay.

Sharuudaha musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayuu sheegay in dib u eegis lagu sameynayo, gaar ahaan lacagta laga doonayo musharaxa oo dhan $ 30.000 oo doolar ‘’ Arintan ku saabsan lacagta laga qaadayo  qofka u taagan xilka madaxweynaha laftirkeeda baarlamaankan ayeey u taala sida ay ka yeelayeen,  go’aanka ugu danbeeya ee sharciga ah iyaga ayaa iska leh’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay xoghayaha guud ee baarlamaanka C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

Ugu danbeyntii,  mar uu ka jawaabay xiliga loo maleynayo in la doorto guddoonka sare ee baarlamaanka ayuu sheegay in howshaa lagu qaban karo qiyaastii mudo 10 casho ah gudaheed,  taa oo macnaheedu noqonayo in ilaa hortaanta bisha Janaayo la dooran karo guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeennadiisa.

Baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya ayaa maalintii shalay doortay guddoon ku-meel-gaar ah oo kala ah Cismaan Cilmi Boqorre oo guddoomiye KMG u sii ahaanaya gobollaha shacabka, halka Max’ed Xusseen Raage noqonayo shir guddoonka KMG ah xubnaha aqalka sare.