Sactar ku degay Xeebaha degmada Hobyo

Wararka naga soo gaaraya degmada Hobyo ayaa  sheegaya  in Sactar Siday  Qalabka dayactirka wadooyinka iyo shidaal uu ku dagay xalay xeebta deegaanka Daamcad oo ku dhow Hobyo, Sactarkaan ayaa ka baxay Magaalada Muqdisho waxaana uu ku socday magaalada Hobyo. Sactarkaan ayaa waxaa iska lahaa ganacsato Galmudug, waxaana Qalabka uu waday oo u badnaa birta culus […]

Continue Reading

Puntland oo fashilisay Shirka Caalami ah oo looga hadli lahaa Soomaaliya

C/raxmaan Cabdi Xaashi Wasiirka Kalluumeysiga Dowlada Federaalka oo la hadlay saxaafadda  ayaa sheegay Maamul goboleedka Puntland inuu sabab u ahaa fashil ku yimid shir caalami ah looga hadli lahaa heshiis laga gaaro sidii loo qeybsan lahaa Kalluunka Nuuca Tuunaha oo ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles. Wasiirka ayaa intaa ku daray in Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo oo u Baqoolay Sucuudiga

Madaxweynaha Soomaaliya  mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa saaka ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana ay kusii jeedaan Magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya Shirka dalalka Islaamka iyo dowladda Mareykanka oo saacaddaha soo socda ka furmaya Magaalada Riyaad. Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan […]

Continue Reading

Sawirro: Donald Trump oo gaaray Sucuudiga

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa booqashadii ugu horeysay ku tagay boqortooyada Sucuudi Carabiya. Waxaana kusoo dhaweeyey Boqorka dalkaasi Boqor Salmaan. Trump ayaa ka qeybgalaya shir u dhaxeeya qaar ka mid madaxda Dalalka islaamka iyo Maraykanka, shirkaan ayaa soconaya 20-21 bishan. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in saacado kadib gaaro Sucuudiga, si uu […]

Continue Reading

Sawirro: Dayactirka Madaxtooyada Galmudug oo gabagabo maraya

Waxaa heer gabagabo ah maraya dayactirka Madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug Cadaado, arintaan ayaa qeyb ka ah diyaargarowga caleemasaarka Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf. Mr. Xaaf oo muddo laba todobaad ah safar uga maqan deegaanada Galmudug ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu dib ugu soo laabto magaalada Cadaado xarunta Galmudug. Xaaf ayaa ka […]

Continue Reading

Qarax Xalay ka dhacay deegaanka Mareergur gobolka Galgaduud

Waxaa faafaahino dheeraad ah kasoo baxayaan qarax xalay fiidkii ka dhacay deegaanka Mareergur ee degmada Dhuusamareeb gobolka Galgaduud. Qaraxaan ayaa ka dhacay waddo aada xero ciidan oo ku taala galbeedka magaalada, waxaana lala beegsaday gaari siday ciidamo ka tirsan maamulka Ahlu sunno. Warka ayaa intaa ku daraya in Qaraxaan ahaa bamka gacanta laga tuuro, lamana […]

Continue Reading

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug oo hakisay Wadashaqeyntii Wasaaradda Waxbarashada Federaalka

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Waxbarshada Dowlad goboleedka Galmudug ayey ku sheegtay in ay hakisay xiriirkii shaqo ee kala dhaxeeyey Wasaaradda Waxbarshada Dowlad Federaalka. Warsaxaafadeedkaan ayaa lagu sheegay in Wasaaradda waxbarashada Federaalku ay faraha kula jirto shaqadii wasaaradaha waxbarashada dowlad goboleedyada. Dowlad Federaalka iyo beesha caalamka ayaa wali ku dhagan nidaamka in mashaariicda dalka loo qeybiyo […]

Continue Reading

SHEEKADII HEYBE IYO JACEYLKIISI HUNGOOBEY – (HOR-DHAC).

SHEEKADII HEYBE IYO JACEYLKIISI HUNGOOBEY – (HOR-DHAC).   WAA MAXAY SHEEKO?. Jawaabta waxaan ku koobi karnaa inay Sheekadu tahay qoraal ka jan-jeera hadalka caadiga ah, kaasoo loo adeegsadey si far-shaxanimo ah, iskuna suran si habeysan,  iyadoo ujeedadu tahay in la soo ban-dhigo qodob taabanaya bul-shada, si kalena, Sheekadu waa lakabyo hadaleed  xiriir-san, iyo dhiraan-dhirin lagu jaan-gooyey qaab […]

Continue Reading

Sawirro: 223 Arday oo ka Qalinjabiyey Dugsiga Cumar Alfaaruuq Cadaado

Munaasabad ay ku qalinjabinayeen 223 arday oo dhameystay Waxbarshada Dugsiga Sare iyo Dhexe ee Dugsiga Cumar Alfaaruuq ayaa lagu qabtay xarunta kafaalo magaalada Cadaado. Munaasabadan ayaa waxaa kasoo qeybgalay Wasiiro, Xildhibaano, Madaxda Iftiin, waalidiin, Arday iyo marti sharaf kale. 109 Arday oo ah Dufcadii 4-aad ayaa ka qalinjabiyey Dugsiga Sare , halka 114 arday ka […]

Continue Reading