Puntland oo fashilisay Shirka Caalami ah oo looga hadli lahaa Soomaaliya

Wararka Maanta

C/raxmaan Cabdi Xaashi Wasiirka Kalluumeysiga Dowlada Federaalka oo la hadlay saxaafadda  ayaa sheegay Maamul goboleedka Puntland inuu sabab u ahaa fashil ku yimid shir caalami ah looga hadli lahaa heshiis laga gaaro sidii loo qeybsan lahaa Kalluunka Nuuca Tuunaha oo ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa bishii  April wada gaaray heshiis qabyo ahaa oo lagu qeybsanayo kalluunka tuunaha, balse ay Puntland ku adkeysatay in la siiyo saami la mid ah midka ay helayso dowladda federaalka ah, taas oo keentay inuu burburo shirkaas.

 

Wasiir  C/raxamaan ayaa yiri : “Waa nasiib darro ah in Puntland ay diiday, iyadaa ka mas’uul guuldarada shirkaas, waxay isu aragtay in sadkooda uu yahay sidii dowladda Federaalka oo kale ama ay la mid tahayba”ayuu yiri Wasiirka Kalluumeysiga oo intaa ku daray in dowladda Federaalka iyo afarta dowlad goboleedyada kale ay isla ogolaadeen, balse Puntland ay diiday.

Waxaa uu sheegay in arrintan uu la socodsiiyay Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana uu ku wargeliyay in shirka Seychelles uu baajiyo oo aan la aadin, maadaama la isku fahmi waayay qeybsigii heshiiska qabyada ahaa.