Aqalka Sare oo 50 Kun ugu deeqay dadka uu saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle

Wararka Maanta

Senatarada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga gurmadka fatahaada Wabiga Shabeelle ee Aqalka Sare oo ka kooban 9 xubnood.

Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhag Dheer) Guddoomiyaha Gudiga Gurmadka ay xubnaha Aqalka Sare u xil saareen in ay dhaqaaale aruurin u sameeyaan dadkii uu saameeyay fatahaada Wabiga shabeelle ee ku nool Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa xubnaha Aqalka Sare warbixin ka siiyay howlaha gurmadka iyo halka ay u marayaan.

Waxa uu sheegay in ay gudigooda ay u qoondeeyeen dadka ay saameeyeen fatahaada Wabiga Shabeelle lacag dhan 50,000 oo Dollar, taasi oo qaabab kala duwan looga kala qaadayo Senatarada Golaha Aqalka Sare.

Abshir Maxamed Axmed (Abshir buqaari) Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare oo kulanka shir gudoominayay ayaa gudiga ka dalbaday in ay dadajiyaan howlahooda gurmadka ee Beledweyne sido kale waxa uu ka dalbaday in ay sii bilaabaan howlaha gurmadka dadka ay saameyeen fatahaada Wabiga Jubda ee ku nool degaanada Jubbooyinka.

“Guddigii aan magacownay, ee shaqadoodana la qeexay, wixii aan ku kabi karno waan ku kaabeynaa, waxaan Guddiga ka codsaneynaa in ay il gaar ah ku hayaan fatahaada kale ee ka soo cusboonaatay Wabiga Jubba.” Ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Gudigaan ayaa waxaa magacaabay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlmaanka Soomaaliya, waxayna sheegeen in lacagta ay ku wareejin doonaan Guddiga gurmadka ee fatahadaha ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Khayre.