Amisom oo codsatay ilaa 9,000 oo askari oo dheeraad ah

Wararka Maanta

amisom-in-somalia

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa codsaday ugu yaraan 9,000 oo askari oo dheeraad ah oo ay sheegeen in loo baahan yahay si loo fududeeyo geeddi-socodka nabadda ee Soomaaliya.

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa si kastaba ha ahaatee uga digay dalalka inay u adeegsanin ciidamadooda gorgortan si loogu meel-mariyo codsiyadooda.

“Dawladaha waa in ayna u isticmaalin ciidamada Amisom si ay meel mariyaan dalabyadooda,” ayuu yiri Fransisco Madeira, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Gudiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya (SRCC).

Waxaa fiican in la helo siyaabo kale si loo meel mariyo gorgortanka codsiyada, waayo ciidamadan waxay u huraan wax badan, oo ay ku jiraan noloshooda”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mar uu ka hadlayey Qorshaha ay Ciiddanka AMISOM kaga baxayaan Somalia bisha October ee sannadka 2018-ka, waxa uu tilmaamay inkastoo uu qorshahaasi socdo, haddana inay wajahayaan khatar dhinaca Taageeradda Loojistikada.

Dhinaca kale, Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Hawlgalka AMISOM, Ambassador Fransisco Madeira waxa uuu ugu baaqay QM inay qalabeeyaan Ciiddanka Qaranka Somalia, si ay AMISOM ugala wareegaan Sugidda Ammaanka marka ay Somalia ka baxaan sannadka 2018-ka.

Waxa uu tilmaamay in tirada Ciiddanka Somalia haatan ku dhowdahay 10,900 Askari, wuxuuna xusay in loo baahan yahay in tirada la gaarsiiyo ugu yaraan 20,000 oo Askari.

“Waxaan u baahanahay ugu yaraan 20,000 Askari oo Somali ah oo aad u qalabaysan, oo nagala wareega Xilka marka la gaaro Ka-bixitaankeenna. Waana taasi dhibaatada saxa ah ee taagan” ayuu yiri.

Ciiddanka Soomaalida ee ay AMISOM ku soo tababartay dalalka Uganda, Kenya, Ethiopia iyo Turkiga ayaa la sheegay inaysan haysanin Qalab ku filan.

Ergayga Gaarka ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Hawlgalka AMISOM, waxa kale oo uu tilmaamay in Dowladda Uganda oo ay ciiddamadda ugu badan ka joogaan Somalia shaacisay inay Ciiddankeeda la bixi doonaan bisha December ee sannadka soo socda ee 2017-ka.

Comments are closed.