Wararkii ugu dambeeyey Weerarkii Baar-Sanguuni

Wararka Maanta

Wararka ka imaanaya degaanka Baar Sanguuni oo qiyaastii 50km u jirta Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland ay iska caabiyeen weerar uga yimid Maleeshiyaadka Kooxda Shabaab, kaasoo ku bilowday qaraxyo Gaadiid miineysan.

Sida wararku sheegayaan dagaal saacado badan qaatay ayay Ciidamada dowladda ay dib u caabiyeen dagaalamayaasha Maleeshiyaadka Kooxda shabaabka.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in Kooxda weerarka soo qaaday ay khasaare xooggan gaarsiiyeen, isla markaana ay jebiyeen. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegay in gaadiid ay lahaayeen Alshabaab lagu gubay duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen diyaarado caawinayey ciidanka Soomaaliya.

Kooxda Alshabaab ayaa dhankooda sheegay inay la wareegeen Saldhigga Ciidamada dowladda ku lahaayeen Sanguuni, isla markaana ay askar dileen, kuna qabsadeen saanad milateri.

inkastoo ilo madax banaan ay sheegayaan in tirada dhimashada dagaalka xerada Baarsanguuni ay kor u dhaafeyso 13 Askari oo labada dhinac ah, 5 alshabaab ah iyo 8 ciidamada Dowladda, sidoo kale isbitaalka Kismaayo waxaa la geeyey dhaawac gaaraya 18 Askari. Sidoo kale in ka badan 60 alshabaab ah ayaa la sheegayaa in lagu dilay duqeynta diyaaradaha.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la sheegay in Kooxda Shabaabka ay damacsanaayeen inay ku qarxiyaan Buundada Sanguuni.

Gaariga oo ahaa nooca Prado Landcruiser ayaa waxaa muraayadaha iyo lugaha looga xiray waxyaabo aanay xabada karin oo ah jaqafyo, si haddii rasaas lagu furo aanay darawalka u waxyeeleyn.