Alshabaaab oo 5 Gaari ku gubay degmada Jilib

Wararka Maanta

Al-Shabaab ay ku gubay degmada Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe illaa shan gaari  oo ay leeyihiin dad rayid ah, Al-Shabaab ay gawaaridan ku tilmaamay in loo adeegsanayo howlo basaasnimo ah, maadaama gawaaridan ay yihiin kuwo cusub oo dhowaan la geeyay Jilib. 

Goob joogayaal ku sugan degmada Jilib ayaa sheegay  in Al-Shabaab ay meel fagaare ah ku gubeen gawaarida ay lahaayeen dad rayid ah, iyagoo dadka u sheegay in gawaaridan ku xiran yihiin qalab isku xiraya diyaaradaha Drones ee wax basaasa iyo kuwa duqeymaha fuliya.

Al-Shabaab oo ku xooggan degmada Jilib ayaa horay waxay degmadaas ka fuliyeen dilal dad ay ku eedeeyeen inay basaasiin yihiin.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka ayaa duqeymo ay ka fuliyeen Koofurta Soomaaliya waxay ku dileen Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

4 thoughts on “Alshabaaab oo 5 Gaari ku gubay degmada Jilib

Comments are closed.