Weeraryahanka Arsenal Alexandre Lacazette ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa lix isbuuc ka dib markii qaliin looga sameeyay jilibka, sida ay xaqiijisay kooxda.
Weeraryahanka Faransiiska Lacazette ayaa qalliin looga sameeyay jilibka bidix subaxnimadii Talaadada, kaasoo 26 jirkaan kasii maqnaan doona garoomada ugu yaraan afar isbuuc.
Lacazette ayaa keydka joogay guuldaradii Gunners ka soo gaartay Tottenham Hotspur isbuucii hore, ka dib markii tababare Arsene Wenger uu doortay Pierre-Emerick Aubameyang ka hor isaga.
Weeraryahanka ayaa la filayay inuu u ciyaaro Arsenal tartanka Europa League khamiistii, sababtoo ah Aubameyang ma ciyaari karo tartanka, lakiin ciyaaryahanka reer Faransiiska ayaa haatan ka maqnaan doona labada kulan ee 32ka kulan ee ugu danbeeya ee ay la ciyaarayaan Ostersund.
Lacazette ayaa hadda ku soo laaban kara garoomada dhamaadka bisha Maarso.