Al-Shabaab oo Gacan ka Jaray Wiil Dhalinyaro ah

Wararka Maanta

Maxkamad hoostagta Al-shabaab kuna taalla Gobolka Shabeellaha hoose ayaa xukun gacan goyn ah ku fulisay wiil 19 jir ah oo lagu eedeeyay in uu hanti badan xaday.

Maxkamadda Al-shabaab ee deegaanka Kuunya barrow ayaa waxaa ay gacanta ka goysay C/fitaax Cismaan Axmed oo 19 jir ah,kaas oo lagu eedeeyay in 5 Guri oo ku yaalla deegaankaas uu ka xaday lacag dhan $5,000 oo Doollar,Taleefanno,Computero iyo hanti kale.

Qaaddiga Maxkamadda Al-shabaab ee Kuunyabarrow ayaa eedda C/fitaax ka aqriyay fagaaraha la isugu keenay dad badan oo ka qaybgalay waxaana uu xusay in wiilka 19 jirka ah uu qirtay eedda loo soo jeediyay sidaasna loogu fuliyay Xukunkiisa.

Qaaddiga ayaa sidoo kale waxaa uu Wiilkaas ku xukumay in uu dib u bixiyo Hantidii uu ka dhacay deegaankaas iyada oo isla goobta looga jaray mid ka mid ah labadiisa gacmood.

Xukunada Shabaab ayaa inta badan hal dhinac ah, maadaama ruuxa eedeysanaha ah aanan loo qaban qareen u dooda oo ka difaaca eedeymaha loo jeediyo.