Kooxo hubeysan ayaa Magaalada Gaalkacyo xalay ku dilay Maxamed Cabdi Kheyre (Vimto) oo ka mid ahaa shaqaallaha Hay’addaha Qaramada Midoobey ee ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Dilka ayaa ka dhacay qeybta Gaalkacyo ee Galmudug, waxaana Vimto toogtay labo nin oo Bastoolado ku hubeysan xilli uu kasoo baxay Masjid ku yaalla Xaafadda Astaan Hobyo ee Gaalkacyo.
Vimto ayaa ahaa nin si weyn looga yaqaano degaanada maamulka Galmudug, waxaana uu ahaa Madaxii Amniga Hay’addaha Midoobey ee degaanada Galmudug.
Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana halkaasi gaaray Ciidanka maamulka Galmudug. Laba todobaad ka hor ayaa sidan oo kale bistoolado ku hubeysani koofurta Gaalkacyo ku dileen Khaliif Nuur Shiil oo ka mid saraakiisha ugu sareysa ciidamada xasilinta Gaalkacyo.
Habka ay u dhaceen dilalkaan ayaa muujinaya in kooxda Alshabaab geysatay falkaan, iyadoo markii hore kooxdu dilal iyo qaraxyo ka fulin jirtay waqooyiga Gaalkacyo.
Dhanka kale dilalka koofurta Gaalkacyo iyo Qaraxii dhawaan lagu fashiliyey Guriceel ayaa muujinaya in Alshabaab sara u qaadeen beegsiga magaalooyinka Galmudug.