Akhri Magaca: Nabadoon Caan ah lagu Dilay Degmada Afgooye.

Wararka Maanta

Wararka laga helayo Degmada Afgooye ee Gobalka sh/Hoose ayaa sheegaya in xalay Koox hubeysan ay Nabadoon Caan ah ku dileen halkaasi.

Nabadoonka Ayaa lagu Dilay Xaafadda Godey oo ka Mid ah Xaafadaha ku yaala Gudaha Degmadaasi Afgooye ee Gobalka Sh/Hoose.

Kooxaha Dilka Nabadonka ka dambeeyay ayaa Goobta isaga baxsaday iyadoo Ciidamada Amaanka ay sameeyeen Baaritaano ay ku soo Qabanayaan Kooxaha Falkaasi ka Dambeeyay.

Nabadoonka ayaa waxaa lagu Magacaabi Jiray Xayeesi Mursal waxaana uu ka Mid ahaa Nabadoonka Ergaddii soo xushay Xildhibaanadda Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo Jeeda Degaanadda KGS.