Abwaan lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee shalay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Arjantiin waxaa ay ku dileen Abwaan Soomaaliyeed lagu Magacaabi jiray Baashi Macalin Maxamuud.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay dilka Abwaanka, sidoo kale War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in Abwaanka la dilay uu ahaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isla markaana rag hubeysan ay toogteen.

Taliska Booliska ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhamaan Ciidanka Booliska ee uu ka baxay Abwaan Baashi Macalin Maxamuud, waxaana Alle uga baryeen inuu Janada ka waraabiyo.