28-ka december maalin MURUGO iyo GOCOSHO badan!
Maalmuhu ka la wanaagsan, dadkuna ka la aayan wacan, shucuubtuna kala aayo hagaagsan, adduunkuna waa mareeg maalmuhu ku wareegaan, maalmuhu waxay isugu jiraan: qaraar iyo macaan, xun iyo wanaagsan, madow iyo cad, murugo iyo farxad, jaadadkaas maalmaha waxay yihiin hadba sida ay u soo marto qofka, bulshooyinka, shucuubta, umadaha iyo qaramada. Tilmaantaa ay maalmuhu qaadanayaan waxay kaga imanaysaa saamaynta iyo raadka ay reebto maalintaas nolosha dadka, iyo natiijada ka dhalata, sargoynta maalinta waa wixii dhaca oo dhacdooyina 24-ka saac ee ay ka kooban tahay iyo sida ay u hareyaan nolosha.
Soomaaliya waxay soo maartay maalmo ka la duwan: maalin xun iyo maalin wanaagsan, haba u badnaadeen maalmaha xun, iyadoo waliba ay heerar ka la ahayd marka lagu sameeyo is barbardhig, maalmaha xun ee na soo maray, waxaa ugu sii xumaa burburkii dawladda, 17-kii sano ee murrugmaarugta, colaadaha iyo dagaallada sokeeye, ee dalka ku baahday gees-ka-gees, fawdada iyo jaantaa rogan, 17-kii sano ee tiiha lagu jiray iyo xarigjiidka aan dhammaadka lahayn, waxaa Soomaaliya soo maray maalmo ka la sarreeya kuna duwan (soocan) xummaanta. Maalinba waxay maalin noo dhibto, waxay soo muujisay maalintii ugu xumeed dhammaan maalmaha! Waxay soo bandhigtay maalinteedii ugu murugada badnayd wixii maalmo la soo maray idayl. Waa maalinma maalintaas? Waxaan ku qaadi dhigidoonnaa qormadeennaa.
Dhismihii maxkamadaha iyo isbahaysiga la gaalanka argagixisada:
Burburkii dawladdii dhexe ka dib, dalku wuxuu soo maray marxalado ka la duwan. Horraantii sanadkii 2006-da waxaa magaalada Muqdisha ka hanaqaaday dhaqdhaqaaq xooggan oo ay hor kacayeen wadaaddo huwanaa magac maxkamado Islaam, waxyar ka dibna uu dhexmaray hardan io dagaal qabqablayaashii ka la qoqobay magaalada Muqdisha. Is ka hor imaadkii ugu horreeyey wuxuu dhacay 18-kii feberayo is la sanadkii 2006-dii, ka dib magaalada waxaa ka dhashay laba gaashaanbuursi oo ka la ah: URURKA ISBAHAYSIGA LA DAGAALLANKA ARGAGIXISADA iyo SOO CELINTA NABADDA, oo lagu dhisay degmada Dayniile oo xarun u aheed Maxamad Qanyare. Isbahaysigan oo ay u idlaayeen dhammaan dagaal oogayaashii magaalada Muqdisho kuwooda ugu caansanaa, waxayna isugu jireen aas-aasayaashii isbahaysigan: qabqablayaal, ganacsato, iyo wasiiro ka tirsan dawladdda Empagathi, sida: Maxamad Qanyare Afrax, Muuse Suudi Yalaxow, Cumar Finish, Bashiir Raage Shiiraar, Cabdi Waal iyo qaar kale. Isbahaysigaan oo taageero dhaqaalo u fidisay dawladda Maraykanka, waxaa kale oo magaalada looga dhawaaqay: Midowga Maxkamadaha Islaamka, oo ay ugu cadcaddaayeen raggii horboodayey: Col. Xasan Daahir Aways, Xasan Turki, Yuusuf Siyaad Indha Cadde, Shariif Sh. Axmed, iyo qaar kale oo badan, hardankii iyo loollankii dhexmaray maxkamadihii iyo qabqablayaashii waxaa ku itaalroonaaday reerkiina u soo haray wadaaddadii maxkamadaha, Dagaal oogayaashiina noqdeen: hal Laash ku Tahriiba, hal Caddaysta inuu Toobad keenay (Yuu u TOOBAD keenay?) iyo sidii caadada ahayd hal Xabashida dabada gashta, halkaana ka soo abaabula dagaal dhuumaalaysi ah!
Wada hadalkii Maxkamadaha & dawladda Embagathi:
Maxkamadihii waxay waqti gaaban gacanta ku dhigeen Magaalada Muqdisha (Unugga Dhibka Soomaaliya), waxayna billaabeen is ballaarin iyo dhulfidsi, Soomaaliyana waxay soo jiidatay indhaha dunida, waxaa billowday dhaqdhaqaaq xooggan. Waxa is la dhawaaqay caalamkii halmara oo yiri: dawladda iyo maxkamaduhu waa inay wadahadal furan, ka dib waxa furmay shirkii Khartoum 15kii July 2006-dii, wuxuu ku soo dhammaaday, in la joojiyo colaadaha iyo af dagaalka, la isna aqoonsado wada hadalkana la sii wado, balse, nasiibdarro wada hadalkii u dhexeeyey Maxkamadaha iyo dawladda Empagathi wuxuu ku soo afjarmay guuldarro, waxaana lagu ka la dareeray shirkii ugu dambeeyey, ee ka dhacay magaalada Khartoum 30-kii October, ee dabayaaqadii is la sanadkii 2006-dii, waxaana ka dib billowday hub urursi iyo qoryo isu diyaarsi. Maalintaas Maxkamaduhu waxay ka talinayeen ugu yaraan 7 gobal, saddax arrimood way la gudbooneed, inay mid ku dhaqaaqaan oo kala ah:
1) Dalka waxaa jirta Dawlad Federal ah, sidaa darteed, inay ku dhawaaqaan maamul gobaleed.
2) Kan xiga inay dawladda la galaan wadahadal dhab ah, oon ku xirnayn shuruud, kana qaybqaataan awoodqaybsiga dalka.
3) Waa tan ugu danbeysee waxay ahayd: inay dhul ballaarsiga ku daraan hoyga dawladda Empagathi ee Baydhabo, oo ku qabsadaan dagaal iyo cudud military, iyana waxay suuragal ahayd wixii ka horeeyey bishii 7-aad ee July, wixii ka dambeeyeyse waqtiga wadaaddada waa ka ku soo yaraaday.
Bootin Libaaxle, kuftin Dawacaale!
Maxkamadihii way is mahdiyeen. Waxay u maleeyeen, inay sidaan dawlad Islaam ku dhisi karaan, kuna fidiyaan Geeska iyo bariga Afrika, balse, murti ayaa waxay leedahay: (Tuke Nasiib uu caano ku helo wuu leeyahay, balse, kas uu ku cabo ma lahan!), Wadaaddadu waxay nasiib u yeesheen, inay gacanta ku dhigaan Muqdisho (Unugga dhibka Soomaaliya), nabadna ku soo dabaalaan, haddana, waxay hanan waayeen, inay uga faa’iidaystaan inay ku raadiyaan Qaran Soomaaliyeed. Waxay billaabeen inay iclaanshaan (Jihaad) ay ku qaadayaan Ethiopia (Itoobiya), si toos ahna u sheegeen, inay iidda Arrafo ee soo socoto ay ku iidaysan doonaan Addis Ababa.
Dhanka kale Ethiopia (Itoobiya) waxay sheegtay, inay difaacidoonto Dawladda Empagathi, haddii wareer ugu yimaado dhinaca wadaadada Maxkamadaha, si toos ahna dagaalkii wuxuu u wareegay dhanka Ethiopia (Itoobiya) oo qadka si toos ah u soo gashay.
Waxaa billowday dagaalkii ka dhacay gobalka Baay, oo ay ka qayb qaateen diyaaradaha dagaalka ee Xabashida, oo duqayn u gaystay garoonka diyaaradaha ee Ballidoogle. Maxkamadihii waxay dhowr maalin ka dib isaga carareen jiiddii hore ee dagaalka, waxay banneeyeen maagaalooyinkii ay qabsadeen, gaar ahaan: Beledwene, Jawhar, iyo Muqdisha, iyadoon wax dagaal ah ka dhicin. Baqa cararka Maxkamadaha wuxuu noqday mid la la yaabay oo ku tilmaamaan: Bootin Libaaxle, Kuftin Dawacaale! Maxaa yeelay Xabashidu iyaga ayaa ku iidaystay Magaalada Muqdisha! Wadaaddadiina waxay noqdeen hal qaxootinnimo ugu carara dibadda sida: Shiriif, iyo hal kaymaha Jubbooyinka ku dhoomaalaysta sida: Xasan Turki, sidii qabqablayaashu u carareen ayey iyana u carareen.
Galitaankii Xabashida ee Muqdisha!
Ciidanka Xabashidu wuxuu horay u caadaystay, inuu ku soo xadgudbo, soona galo xadka uu Soomaaliya la leeyahay, gaar ahaan goballada iyo degnooyinka ku teedsan xuduudka sida: goballada Gedo, Bakool, Mudug iyo Galguduud, balse 28-kii December waxay Ciidanka Xabashida ee qalabka sida soo galeen Magaalada Muqdisho, Xaruntii Dalka, Xuduntii wadanka, Hoygii Umadda.
Maalintaas waxay ahady maalin murugo leh, waxay ahayd maalin tiiraanyo leh. Waxay ahayd maalin xanuun badan leh. Waxay ahayd maalin waddani kasta oo Soomaaliyeed is waydiiyey sida ay wax u socdaan iyo sida ay wax u dheceen? Waa hubaal, in waddaniyiin badan ay la ilmeeyeen maalintaas waxa dhacay, ayna ku reebtay gocosho iyo xusuus aan ka la go’ayn inta ay nool yihiin.
28-ka December maalin ka la barta taariiqda Soomaalida, wixii la soo maray ee sooyaal ah iyo waxa soo socda ee la xiriira aayaha. Maalin taariiq cusub u billaabatay Soomaalida. Maalin ay xusi doonto taariiqdu, balse, waa su’aale maxay ku xusi doontaa? Maxay ku sheegi doontaa? Maxay ku tilmaami doontaa? Siday uga warbixin doontaa?!
28-ka december, waxay caro iyo ciil ku abuurtay inta ay ku dambayso laabtooda dareenka waddaninimo, heer ay ku sigteen inay is daldalaan ama is marjiyaan. Xabashidu marka ay soo galeen gudaha magaalada Muqdisho, waxay is la markiiba baro ciidan ka dhigteen: Astaamihii Qaranka, barihii laga maamuli jiray Dalka, sida: Wasaaraddii Gaashaandhigga, oo ahayd halka laga bixin jiray amarradii dagaalkii 1977, ee dhaxmaray labada dal. Waxay kaloo degeen Villa Soomaaliya, Aqalkii Madaxtooyada, taasina waxay daliil marag ma doonto ah u tahay ujeeddada gurracan ee Xabashidu la maaggan yihiin Soomaaliya.
Bal u fiirso Ciidankii Huwantii ee UNISOM, ee Soomaaliya yimid horraantii sagaashamaadkii, marna ma degin baro tilmaamaysa Astaan Qarannimo, sidoo kale eeg ciidamada Ugandha waxay ku ekaadeen garoonka diyaarada iyo dekedda weyn ee Muqdisha, balse, waxa Xabashidu u dageen Wasaaradda Gaashaandhigga, Xaruntii Xisbiga Hanti Wadaagga kacaanka Soomaaliyeed iyo Villa Soomaaliya, waxay muujinaysaa danaha ay u soo galeen Soomaaliya ayna ku doonayaan inay Soomaaliya ku sii haystaan.
Soomaalidu ma waxay sugaysay 28-ka decemberoo kale? Xabashse ma ku soo dhacday inuu Muqdisho ku dhexmaro dabbaabado gaashaaman iyo cudud Military? dabcan taas waxaa ugu yeeray waddaadadii Maxkamadaha, waxaana ku martiqaaday Dawladda Empagathi. Waa la yaab, in Xabashku wuxuu xeelad iyo xoog ku qaadi waayey, in Soomaalidu u suuragaliso, una sahasho sidii ay u xaqiijin lahaayeen!
28-ka December waa maalin uu la cirroobay sabiga Soomaaliyeed, cirroolana uu la Calaacalay, Xaamiladiina ay la dhicisay, xanuunkeeda awgeed iyo walbahaarka ay wadato darteed. 28-ka december maalin billow u aheed dhibkii Soomaaliya ku habsaday sanadkii 2007-da, dhimashada, dhaawaca, qaxa, barakaca, xasuuqqa, iyo boobka hantida dadweynaha. 28-ka december maalin mugdi galisay aayaha Soomaaliya, maalin la garwaaqsay dulliga iyo ducfiga ay Soomaaliya dul sabbaynayso. 28-ka december maalin dib u soo noolaysay dagaaloogayaashii daashaday Soomaaliya. Maalin kor u qaadday Tabcanayaasha Yigreega, maalin Xushamadaysay Xigaalada Xabashida. 28-ka december maalin Murugo! Maalin Naxdin! Maalin Gocosho! Maalin Xumeed! Maalin Tiiraanyo! Maalin Haydaaro! Maalin dareen! Maalin Dhiillo! Maalin walaac! Maalin Walaahood! Maalin Walwal! Maalin Balaayo! Maalin Dullinimo! Maalin Gunnimo! Maalin qiyaano! Maalin Lur! Maalin Maroorodillaac!
Guntii iyo gabagabdii ka sheekaynta maalinta 28-ka december way dheeraanaysaa, tilmaamiddeduna ka ma yara, balse, waxaan ku so oaf meerayaa qormadeenna qayb ka mid hees ay qaaddo Fannaanadda Saafi Ducaale, Heestaan oo hal ku dhaggeedu yahay: Salaan Macaan, Heestiina waa tan:
“Wixii jeer la soo maray
Waxa maanta Joogiyo,
Maalmaha muhiimka ah
Waa macallin kuu dhiga
Murtidiyo maahmahday
Kuu marinayaanee.”
Bashiir M. Xersi
brdiraac@hotmail.com