Yariisow oo Shaqajoojin ku sameeyey ku xigeenkiisa

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa shaqo joojin waxaa uu ku sameeyay Guddoomiye kuxigeenka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir. Wareegto ka soo baxday Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa shaqada looga joojiyay Aadan Sheekh Cali Fiidow,waxaana shaqada laga joojiyay ilaa iyo amar dambe. Sababta shaqo joojinta Aadan Sheekh Cali Fiidow ayaa waxaa […]

Continue Reading

Cali Gacal oo ka hadlay Doorashada Galmudug

Guddoomiyaha baarlamaanka Maamulka Galmudug ee fadhigiisu yahay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa eedeyn kulul uu u jeediyey dowlad goboleedka Puntland iyo qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira. Shir Jaraa’id uu u qabtay Warbaahinta ayuu ku sheegay in Maamulka Puntland iyo qaar ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ay […]

Continue Reading

Xisbiga UPD oo ka hadlay Xaaladda Galmudug

Xisbiga Qaran ee Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Galmudug, dooroshada Dowlad Goboleedka Jubaland, xiriirka iskaashiga iyo xoojinta nabadda ee dhawaan dhexmaray Puntland iyo Galmudug iyo khilaafka guud ee sii xoogeystay ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada. Ka dib markii uu Xisbiga UPD […]

Continue Reading

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Koofur Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalka Koonfur Afrika. Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika Mudane Matamela Cyril Ramaphosa oo ku martiqaaday xafaladdiisa qaar ka mid ah Madaxda caalamka. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta […]

Continue Reading

Ra’iisul wasaaraha UK Theresa May oo is-casilaysa

Ra’iisul wasaraaha Britain, Theresa May ayaa sheegtay inay is-casili doonto kadib markii ay saddex goor ku guul darreysatay inay xubnaha baarlamanka ka dhaadhiciso heshiiskeeda Brexit. “Hadda waa ay ii caddahay in waxa ugu wanaagsan dalka ay tahay in ra’iisul wasaare cusub uu hoggaamiyo dadaalladan” ayay tiri May oo ilinta iska celineysa. “Sidaas darteed, waxaan maanta […]

Continue Reading

Faafaahin: Dad loo qabtay Qaraxii Fashilmay ee Guriceel (Sawirro)

Ciidamada Amniga degmada Guriceel gobolka Galgaduud ayaa wada baaritaano ay ku dabagalayaan dadkii ka dambeeyey qaraxii shalay fashilmay, faafaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhagar qabihii isqarxin rabay, waxaana magaciisa lagu soo koobay Maxamuud Nuur oo u dhashay beesha Raxanweyn, ninkan ayaa la sheegay inuu wali ku adkeysanayo fikirkiisa, inkastoo uu qaraxii ka fashilmay. Dhagar […]

Continue Reading

MD Farmaajo oo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto Madaxweyne ugu magacaabay Mudane Ibraahim Cumar Mahad Alle (Ibraahim Dheere) inuu noqdo Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Maamulka Maaliyadda Gobolka Banaadir. “Madaxweynaha ayaa markii uu tixgeliyay waayo-aragnimada uu mudanuhu xilkan loo magacaabayo u leeyahay howlaha loo magacaabayo waxa uu soo saaray xeerkan.” Madaxweyne Farmaajo ayaa u rajeeyay […]

Continue Reading

Golaha Wasiirada DFS oo Magacaabay 5 Safiir (Sawirro)

Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka xamuulka iyo xadaynta cabbirka baabuurta iyo hindise sharciyeedka waddooyinka. Labada hindise sharciyeed ee goluhu meel mariyay oo ay soo diyaarisay wasaaradda howlaha guud, guryaynta iyo dib-u-dhiska ayaa muhiim u ah hannaanka marista waddooyinka dalka iyo xamuulka gaadiidka. Shirka golaha wasiirrada oo uu guddoomiyay Ra’iisul […]

Continue Reading