20 Qodob oo Cadeynaya inuu Fashilmay Xasan Cali Kheyre

Wararka Maanta

Dadka  Soomaaliyeed  waxaa  soo  maray  Raysal  Wasaarayaal  badan  oo  aan   shaqo  wanaagsaneyn  ama  lagu  xantey  hawlo  badan  oo  ka  dhan  hoggaaminta   toosan,  balse  masoo  marin  taariikhda  Kheyre  oo  kale:     Qabyaaladda  Kheyre   Kheyre  waxuu  si  aan  qarsoodi  lahayn  ugu  dhaqaaqey  qabyaalad  inuu  reerkiisa   gacanta  u  galiyo  hawlaha  dalka  oo  dhan  gaar  ahaan  wasaaradaha.

Si  uu  taas  u   sameeyo  waxuu  wasiirada  qaarkood  u  sheegey  inay  hawlgaliyaan  shakhsiyaad   macayan  ah,  waxuuna  awood  dheeri  aha  siiyay  shakhsiyaadka  ay  isku  heybta   yihiin  ee  jooga  xafiisyada  kala  duwan  ee  dawladda.

1-­  Bangiga  dhexe  waxaa  guddoomiye  ku  xigeen  ka  ah  Drs  Marayama   waxayna  noqotey  intuu  yimid  Kheyre  guddoomiyaha  dhabta  ah  ee   shaqada  wada  iyadoo  maalinwalba  kula  hadasha  Telka  si  ay  ugu  sheegto   talaabo  talaabo  hawlaha  socda.  Dr  Bashiir  Ciise  oo  ah  guddoomiyaha   dhabta  ah  markii  uu  arkay  faragalinta  Kheyre  banaanka  ayuu  iska   wareegaa  wax  shaqo  ahna  maqabto.

2-­‐  Wasaaradda  Maaliyadda  waxaa  Xooghaye  ka  ahaa  Mr  Axmed  Dayib  oo   ahaa  aqoonyahan  shaqo  wanaagsanaa  karti  bandanna  lahaa.  Waxuu   amrey  Kheyre  inuu  shaqada  ka  joojiyo  Axmed  Dayib  si  uu  Jacfar  oo  ahaa   Agaasimaha  Dakhliga  ee  Wasaaradda  uu  qabto  shaqada  Xoghayaha   Joogtada  ah  isagaana  hadda  gacanta  ku  haya  hawlaha  wasaaradda  oo   dhan.

3-­‐    Wasaaradda  Batroolka  &  Macdanta  oo  ahayd  meeshii  uu  isagu  ka   qaraaban  jirey  waxuu  ku  wareejiyey  oo  si  dadban  u  maamula  Gaanbe  oo   ay  qaraabo  yihiin  oo  uu  ku  wareejiyey  Booskiisii  Som  Oil.  Gaanbe  isagaa   wasiir  ka  ah  wasaaraddaas  taalabo  uusan  ogeyna  lama  qaadi  karo.

4-­‐  Wasaaradda  Boostada  &  Isgaarsiinta  waxuu  wasiirkeeda  amrey  inuu   shaqada  ka  joojiyo  Agaasime  Axmed  Xaaji  oo  ahaa  agaasime  karti  iyo   aqoonba  leh,  waxaana  meeshiisa  galay  Cabdi  Sheekh  oo  ah  wasiirka   qaraabadiisa.  Markii  dambena  waxuu  wasiirka  ku  amray  in  Cabdi  Sheekh   uu  kasoo  dhigo  guddoomiyaha  guddiga  Isgaarsiinta  Qaranka.  Ma  dhicin   hadda  ka  hor  in  guddoomiye  guddi  la  magacaabo  kaligiis.  Sida  sharciga   ah  waa  in  guddi  lasoo  dhiso  kadibna  guddidaas  iska  doortaan   guddoomiye.

5-­‐  Xafiiska  Raysal  Wasaaraha:  Xafiiskan  waxaa  agaasimaha  maamulka  &   maaliyadda  muddo  dheer  ka  ahaa  agaasime  Feera-­‐daar.  Agaasimahan   maalinkii  kheyre  soo  galay  Xafiiska  ayuu  ka  saaray  shaqada  waxaana  loo   dhiibay  Bashiir  oo  ay  Raysal  Wasaaraha  isku  beel  yihiin.  Wax  sabab  ah  oo
ninkaas  shaqada  looga  qaadey  oo  aan  ahayn  inuusan  ahayn  reerka   Kheyre  ma  jirto.

6-­‐  Wasaaradda  Arimaha  Gudaha:  Wasiir  Juxa  waxuu  shaqada  ku  waayay   markii  uu  Xoghayihii  Joogtada  ahaa  Dr  Yaxye  oo  shaqada  ka  joojiyay   taasoo  ka  xanaajisey  Kheyre  uuna  isku  dayay  inuu  ka  noqdo  balse  Juxa   ka  diidey.  Iyadoo  ay  jireen  Agaasimayaal  dhawr  ah  oo  shaqada  laga   joojiyay  waxuu  Kheyre  ka  xishoonwaayay  inuu  Yaxye  Xafiiskiisa  keeno  oo   uu  waliba  u  diro  hawlihii  Wasaaradda  Arimaha  gudaha  ee  ay  wasiirka   isku  qabteen.

7-­‐  Kheyre  si  aan  arimahaas  Agaasimayaasha  loo  fahmin  waxuu  iclaamiyay   in  dhamaan  agaasimayaasha  loo  soo  tartamo  waxuuna  sameeyey  in   codsiga  xilalkaasi  ku  egyihiin  waqti  ahaa  sanadkii  ahaa  bishii  December.   Guddi  ayuu  u  saaray  hawshaas  waxaana  shaqada  ugu  badan  u  dhiibay  Dr   Yaxye  Ibrahim  oo  gacanta  ku  haya.  Waxuu  amrey  in  halkaas  aysan   dhaafin  oo  aan  dawladda  loo  sameynin  Agaasimayaal  Guud  oo  ay  sidaas   iska  ahaato.

8-­‐  Waxaa  illaa  muddo  banaan  afar  xi  loo  Wasiir  oo  aan  illaa  iyo  hadda  la   magacaabin  taasoo  aan  waligeed  ka  dhicin  Raysal  Wasaare  soo  maray   dalka.  Marka  qof  baneeyo  xil  ama  laga  eryo  markaasba  waa  la  baddali   jirey  balse  Kheyre  waxuu  halkii  boos  ba  u  balanqaadayaa  10  Xildhibaan   haddii  uu  magacaabana  waxaa  soo  baxaya  beentii  illeen  qofwalba.   Wasaaradaha  banaan  waxaa  kamid  ah;  Wasiirka  Warfaafinta,  Wasiirka   Diinta  &  Awqaafta,  Wasiirka  Gargaarka  &  Wasiir  Dawlaha  Caddaaladda   oo  aan  marnaba  shaqa  galin  tan  iyo  intii  la  magacaabay  kuna  gacan   seyrey  xilkaas.

9-­‐  Waxaan  ogeyn  muddadii  ay  banaaneeyeen  Taliyaasha  Nabadsugidda  &   Booliska  waxuuna  jagooyinkaas  u  balanqaadey  dhamaan  beelaha   Soomalaiyeed  waana  midda  keeneysa  in  xildhibaano  badan  ay  ku  kacaan   Raysal  Wasaaraha  illeen  qabiil  walba  wuu  siiyaa  xilwalba.

10-­‐   Waxay  ahayd  in  isku  shaandheyn  sameeyo  muddo  hore  balse   waxuu  diidan  yahay  in  beentu  soo  baxdo  sidaas  darteed  balanqaadka   ayuu  sii  wadayaa.

11-­‐   Amniga  dalka  gacanta  ayuu  ka  baxay  waligeedna  ma  gaarin  halka   uu  maanta  marayo.  Balcad  iyo  Xamar  waligeed  Makala  xirmin   marwalbana  cabsi  kama  jirin.  Shabaab  way  sii  xoogeysteen  waxaana   muuqata  dib  dhac  badan  oo  amni.  Haddana  maalinwalba  waxaa  golaha   wasiirada  dhextaagan  wasiir  Ducaale  oo  ka  warbixiya  amniga.  Xishood   ma  jiro  waxaana  maalinwalba  ku  celceliyaan  waxaan  fashilinay  intaasoo   qarax  oo  aan  ka  hor  tagney.  Qarax  dhacay  miyaa  laga  hortagay!

12-­‐   Hawlihii  xukuumadda  looga  fadhiyey  hal  kama  qabsoomin   haddana  waxuu  maalin  iyo  habeen  ku  faanaa  inuu  waxqabtay,  xishood   ma  jiro.  Dadka  wax  loo  sheegayo  ma  ahan  dad  ajaanib  ah  ee  waa  dadka   xamar  jooga  ee  jid  ay  maraan  waayay,  maalinwalbana  qarax  ku  dhacayo.

13-­‐   Siyaasadda  Kheyre  qaatay  ayaa  ah  inuu  marwalba  xaalad  abuuro  si   aan  loo  ogaan  shaqa  xumadiisa.  Markuu  arkey  in  lala  xisaabtami  doono   oo  ay  xildhibaanadu  u  yeerayaan  waa  marka  uu  bilaabay  Mooshinka   Jawaari  waana  meeshii  uu  ku  dhiman  lahaa

14-­‐   Waxuu  shaqada  ka  eryey  Guddoomiye  Thabit  oo  runta  u  sheegey   oo  damcey  inuu  si  kamadax  banaan  Kheyre  u  shaqeeyo  dadkana  wax  u   qabto.  Waxuu  Kheyre  rabay  in  Xafiiska  Raysal  Wasaaraha  laga  maamulo   gobolka  Banaadir  waxii  lacag  ahna  ay  halkaas  timaaddo.  Markii  uu   diideyna  waa  markaas  uu  ka  qaaday  xilka  oo  magacawdey  Yes  Man..   Yariisoow  oo  sidii  Wariye  u  dhaqmaya  isagoo  guddoomiye  ah.  Gudd.   Yariisoo  waxuu  qabtaa  ma  ahan  shaqo  ee  waxuu  si  toos  ah  ugu  soo   waramaa  Xafiiska  Raysal  Wasaaraha  sidii  oo  isagoo  wariye  ah  waxuuna   diraa  kaliya  qoraalo  uu  lawadaago  saxaafadda.  Amniga  Xamar,  Xirxirka   Jidadka  Muqdsho  waa  dhibaato  sii  baahdey  intii  uu  joogey  Kheyre  dalka

15-­‐   DHimashadii  ugu  badneyd  ayaa  Muqdisho  ka  dhacdey  intuu   joogay  Kheyre  waxaana  dhacaya  qaraxyadii  ugu  badnaa  ee  soo  mara   dalka  muddo  intaas  dhan.  Dalkiina  faraha  ayuu  ka  baxay  oo  Shabaab  oo   dhintey  ayaa  soo  noolaadey.  Haddaba  soo  ma  ahayn  inuu  xishoodo  oo   tartiib  aamusnaado  is  casil  lagamaba  sugeen  oo  garashadaas  ma  lahee.!   16-­‐   Lama  arag  nama  soo  marin  Raysal  Wasaare  lacag  ku  bixinaya  in   Baarlamaankii  isaga  ansixiyay  raba  inuu  burburiyo  oo  lacag  ku  bixinaya.   Waa  meeshii  Yaxaasku  ka  qaadi  lahaa  Kheyre  wayna  muuqataa.  Haddii   uu  sida  uu  wasaaradaha  u  qabsadey  iyo  gobolka  Banaadir  iyo  Xafiiska   Madaxweynaha  ku  darsado  Golaha  Baarlamaanka  waa  in  Xamar  looga   qaxo  Kheyre!

17-­‐   Xildhibaanada  beelweynta  Hawiye  markey  arkeen  dhaqankiisa  ay   dhamaantood  kaoso  horjeedsadeen  ayna  dhaheen  Wallee  kuguma   dhawrno  Soomaaliya  oo  aan  ka  keeney  meel  fog  dibna  noogu  celin   meysid  Xanuunkaan  soo  dhaafnay.

18-­‐   Weerarkii  Cabdiraxamaan  Cabdishakuur  Warsame  iyo  askartii  lagu   laayay  illaa  iyo  hadda  waa  dakane  u  yaalla  oo  mar  ay  noqotaba  waa  la   horkeeni  doonaa.  Sidoo  kale  weerarkii  Cabdiqaybdiid  oo  labadaasiba   isku  beel  ah  Iyana  xisaabteedu  way  dambeysaa..  Dalku  ma  dagaal  iyo   weerar  ayuu  ku  wadi  karaa  iyo  cagajugleyn!

19-­‐   Hay  adaha  Hanti  dhawrka,  Garsoorka  iyo  Garyaqaanka  oo  ahaa   Xafiisyo  madax  banaan  oo  isaga  sixi  lahaa  ama  baari  lahaana   dhamaantood  waxuu  usheegey  iney  ama  baneeyaan  Xaiisyada  ama  ay   isaga  tiisa  ku  shaqeeyaan.  Midda  dambe  ayay  u  badnaatay,  laguna   hawlagalaa.

20-­‐   Beentii  ugu  darneyd  waxey  noqotey  Guddoomiye  Jawaari  ayaa   qabsey  Xarunta  Golaha  Shacabka..!  Dadka  Soomaaliyeed  ma  xoolo  meel   ku  xareysanbaa,  waxwalba  maloo  sheegaa?  Igaroow  na  daay!

Si  loo  gaaro  Xasilooni  siyaasadeed  Kheyre  dhakhso  ha  u  ruqseysto  umaddana   Cafis  ha  weydiisto!