2 Wiil oo Soomaali ah oo lagu dilay Koofur Afrika

Wararka Maanta

Laba wiil oo Soomaali ah ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa lagu dilay xaafad ku taalla Galbeedka magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, sida ay inoo sheegeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi.

Xaafada Soomaalidan lagu dilay oo ah xaafad isku raran ah ayaa waxaa degan dadka madowga ah, waxaana dhalinyarada la dilay lagu kala magacaabaa Ismaaciil Cabdi Macow iyo Cali Maxamuud Cadow oo fiidnimadii xalay la dilay.

Sidoo kale isla magaalada Cape Town waxaa lagu dhaawacay Saddex dhalinyaro oo Soomaali ah, kuwaasi dhaawacooda kadib laga qaatay lacag ay lahaayeen oo u tiilay dukaanka ay ku sugnaayeen.

Bishan July keliya waxaa magalooyinka Koonfur Afrika lagu dilay inka badan 10 qof oo Soomaali ah, kuwaasi oo ganacsiyo kala duwan ku leh dalkaasi.

Dilalka ugu badan ee Soomaalida loo geysto ayaa waxa ay dhacaan xilliyada fiidkii oo ganacsiga xoogiisa uu socdo, inta badan goobaha tuulooyinka waxaa ku yar saldhigyada Booliska, marka ay wax dhacaan keliyay ayay Booliska tagaan oo badanaa aanan ku guuleysan inay qabtaan burcada dilalka geysata.

Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Koonfur Afrika, ayaa lagu dhaliilaa inay gabi ahaanba ka gaabisay wax u qabashada Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Marka laga soo tago dilalka qorsheysan ee Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo dhaca loo geysanayo goobohooda ganacsi ayaa hadana waxa ay dhibaatooyin ku qabaan helida sharciga dal ku jooga oo ay bixiso Dowladda South Afrika.