WAXAY AHAYD IN LA ABAAL-MARIYO.

Arimaha Bulshada Wararka Maanta

Markii ay  Burburtey Dowladii Soomaaliya Sannadkii 1991, waxaana uu Burburkaas uu Saameeyey Dhamaan Adeegyadii Bulshada hase yeeshee waxaa soo baxay Shirkado iyo Shaqsiyaad Dadaal dheeri ah sameeyey ayna keentey in ay buuxiyaan Adeegyadiii Bulshada ee loo baahna sidaa Duulimaadyadii Diyaaradaha.

Inta  aan u gudbin  Dulucda Maqaalka  waxaa soo qaadanayaa Waxqabadkii Shirkadaha Duulimaayada oo aan dhihi karo waxay mudan yihiin in lagu Abaalmariyo Waxqabadkii ay Bulshada Soomaaliyeed u sameeyeen kuwaa oo Sahley in ay Fududeeyaan isku Xirkii Bulshada gaar ahaan Duulimaadyadii Gudaha iyo Dibadda.

Shaqasiyaadkii ku dhiiradey in ay Fududeeyaan Duulimaayadii Diyaaradaha Xili Dalka ay ka socdeen Dagaalo sokeeye, oo aan dhihi karo qaarkood Nafsadooda ayey ku waayeen, sidoo kale waxaa iyana Waxyeelo ka soo gaartey qaar ka mid ah Diyaaradihii dalka imaanayey mid ka mid ah Dadkii Rakaabka ahaa ee oo ka soo degey Garoonka Diyaaradaha Bali Doogle Sanadihii Sagaashameeyadii ayaa arkey  markii uu Diyaaradda ka soo degey oo uu Dhulka Cagahiisa saarey ayuu Sajuud la dhacay isagoo dhulka Dhunkanaya islamarkaana ay ilmo ka soo Daadaneyso , waxaa uu u Mahadceliyey Ilaah, ka dibna Shirkadihii Diyaaradaha ee Suurta geliyey in uu soo gaaro dalka waliba Shaqo bilaabey  Xili adag sida Daalo. Afrikan, iyo Jubba Airways waxa uu intaa raaciyey mar aan ku Wareystey  Wargeyskii Ayaamaha.

“Macquul ilama ahayn  in aan Xilgaan iyo Xili u dhow aan imaado Muqdisho marka Xaqiiqdii Shirkadahaas Diyaaradaha Waxay Sameeyeen dadaalka dheeraad walibana in lagu amaano Howshaas Mihiimka oo ay Bulshada u qabteen   sidaa darteed  waxaa uu sheegey in Diyaaradahaas ay dad badan oo Quus joogey in ay soo gaaraan dalka ayey yadadiilo geliyeen ee Ilaah ha idiin ka abaalmariyo maalin baa la idiin Xusi doonaa” Diyaarahaas oo ka soo degi jirey Garoomada N0:50, Balidoogle iyo Cisaley.

Xiligaas adag Shirkadahaas waxay Sahleen in Madaxdii Xiligaas jirtey ay u Fududeeyaan in dalka ka dhoofaan, sidoo kale waxay  Shirkadahaas Calanka Soomaaliya Gaarsiyeen Caalamka oo dhan waayo waxay Xilgaas qaadeen Caiyaartoodii Qaranka ee Caalamka ee Tartamada u tagayey waliba ka Khafiifiyey Kharashka Duulimaadka , waxay  Sahleen in dalka ay yimaadaan Madax badan,kuwa samafalka, sidoo kale Shirkadahaas waxay Bulshada u Fududeyeen  in ay soo Gutaan Dad badan  Waajibaadkii Xajka iyadoo Waliba ugu darey in ay dadkaas u keenaan Fiisiyaashii Xajka  sidaa darteed ma yara Howsha Baaxada leh ay  Bulshada u hayeen Shirkadahaas

Howshaan ay hayeen Shirkadahaas mudadaas 27 Sannadood ah waxay ahayd in lagu Abaalmariyo  hase yeeshee waa ayaandaro in maanta Xanibaad la saaro Shirkadaas soo shaqeeyey waqti adag waliba ay dad badan uga dhinteen intii ay ku guda jireen  Adeegaas Muhiimka ah,  sidoo kale Shirkdadaas oo soo shaqeeyey Xili aysan dalka ka jirin Dowlad oo meel walia ay ka socdeen Dagaalo Sokeeye, maanta oo dalka ay ka jirto Dowlad oo la rabey in wax badan loo fududeeyo Shirkadahaas  walibana lagu Abaalmariyo, sida Darteed   Soomaalidu waxay tiraahdaa “Ilowsha Dhawaa ma Umul baa” waxaa xaqiiqo kuwa maanta Masuuliyiinta Sheeganaya  ee Hortaagan in Shirkadahaas  Howshooda sii wataan in ay Rakaab ahaan u qaadeen Xili adag, walibana lagu qaadey si Bilaash ah marka yaan lagu Abaal dhicin Daallo, Jubba iyo African.

Guntii iyo Gabagabadii hadii maanta dadkii aadi lahaa Xajka ay Sannadkaan ka baaqsadaan Waajibkaas waxay Waji Gabax ay ku tahay Dowladda Maanta jirta waayo Shirkadahaas waxay soo shaqeeyeen Xili Dalka ay ka jirtey  Mar xalad Fowdo iyo kala Dambeyn la’aan ayna adkeyd in Diyaarado ku soo dhiiraadaan Dalka sidaa darteed waxaana leeyahay Shirkadaha Cusub ee Doonaya in nay Ciriiriyaan Shirkadiihi waqtiga adag soo Shaqeeyey “ Shalayaa  Dhalataye waa la Shubi jirey” sidoo kale Soomaalida waxay tiraahdaa  “Gadaal ka gaar waa Goob Dumis”

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail .amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Tel 00252615532494