Jabuuti Beri loo dareerayo doorashada Barlamaanka

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Guud ahaan  dalka Jabuut ayaa  Berri waxaa bilaabanaya doorashooyinka Baarlamaanka dalkaasi, waxaana ku tartamaya xisbiyada isku tagay aqlabiyadda madaxtooyada UMP iyo xisbiyada EDG PDD iyadoo  ay ku tartamayaan ilaa 65 xildhibaan oo kasoo bixi doonta dhamaan dalka Jabuuti oo dhan.

65-ka xildhibaan ee loo tartamayo 35-xildhiban oo ka mid ah waxa ay kasoo bixi donaan caasimadda Jabuuti halka 30-ka xildhibaan ee kalana laga soo dooran doono afarta gobol ee dalka, waxana xisbiga talada haya kula tartami doona gobolada dalka.

Ololaha doorashooyinka baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa socday maalmihii lasoo dhaafay.

Ammaanka dalka Jabuuti ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana Mas’uuliyiinta dowladda Jabuuti ay Xisbiyadda ugu baaqeen in ay doorashada uga qeyb galaan si nabad geliyo ah.