Baaritaano Saakay ka socda Degmada Jowhar oo Xalay uu Qarax ka dhacay

Wararka Maanta

Guriga Taliyaha Nabad Sugidda ee Degmada Jowhar ayaa Xalay waxaa lagu Weeraray Bam Gacmeed,waxaana Weerarkaas ka dib Ciidamada Ammaanka ay bilaabeen Baaritaano lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay Weerarka.

Weerarka Bamka ah ayaa la sheegay inuu ka dhashay Khasaaro dhaawac ah,waxaana sargaalka la Weeraray uu degen yahay Meel u dhow Madaxtooyada Maamulka Hirshabelle.

Goobjoogeyaal ayaa Xaqiijiyay in Ciidamada Ammaanka Howlgalada ay wadaan ay ku soo qabteen Tiro dad ah oo illaa hadda ay Baaris ku socoto.

Dhowr Jeer ayaa Madaxtooyada Hirshabelle iyo Guryo ay degen yihiin Mas’uuliyiinta Maamulkaas waxaa lagu qaaday Weeraro Bambaanooyin ah.