Xildhibaan ku geeriyooday Magaalada Muqdisho

Wararka Maanta

Allaha u naxariistee Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Goordhow ku geeriyooday Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Xildhibaan Khaliif Cabdullaahi ( Duureey) oo katirsan Baarlamaanka ayaa Goordhow oo caawa ah ku geeriyooday Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.

Ehlada Xildhibaanka ayaa xaqiijiyay in Xildhibaanku uu daqiiqado ka hor dhintay.

Xildhibaanka ayaa 3-dii bari ee la soo dhaafay ku xanuunsanayay Muqdisho. Waxaana laga soo doortay maamulka Koofur Galbeed.

Waa Xildhibaankii 4-aad ee katirsan Baarlamaankaan 10-aad ee dhinta isaga oo xildhibaan ah.

Allaha u wada raxmadee horay waxaa u dhintay Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin , Xildhibaan Cabaas Sheekh Cabdullaahi Siraaje iyo Siciid Xasan Geedi iyo Xildhibaanka caawa Geeriyooday.