Akhriso Magacyada 8da Musharax ee Madaxwaynaha Hirshabeelle oo jeediyay Khudbadahooda

Wararka Maanta

Waxaa Maanta magaalada Jowhar xarunta maamulka Hirshabeelle lagu soo gabagabeeyay khudbadaha murashaxiinta u tartamaya madaxtinnimada maamulka.

Sida ay sheegayaan weriyeyaasha Goobjoog News ee xarunta ku sugan waxaa maanta hadlay illaa 5 murashax, kuwaas oo kala ah: Cabdi raxmaan Xasan Caddow, Yuusuf Axmed Hagar, Cabdinaasir Maxamed Shirwac, Daahir Cabdulle Cawaale iyo Maxamed Caruush Diirow .

Waxaa iyaga shalay khudbad jeediyay : Cabdi Faarax Laqanyo, Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdikarim Cali Nuur.

Maalinta sabtida waxaa lagu wadaa in doorasho ka dhacdo magaalada Jowhar.

Liiska Murashaxiinta oo dhameystiran: 

  1. Yusuf Hagar Daba-geed
  2. Cabdi Faarax Laqanyo
  3. Daahir Cabdulle
  4. Maxamed Cabdi Waare
  5. Cabdinasir Shirwac Maxamed
  6. Maxamed Caruush
  7. Cabdiraxmaan Xuseen Cadow
  8. Cabdikarim Cali Nuu

Guddi ka  socda Wasaarada Arimaha Gudaha Fedaralka iyo Dibu heshiisiinta Dowladda Soomaaliya iyo Kormeerayaal Caalami ah ayaa lagu wada inay Jowhar tagaan si uga qayb galaan Doorashada oo ay qab soomideeda ka harsantahay wax ka yar 48 saacadood.

Xilka Madaxwayne ee hirshabeelle waxaa ku tartamaya Musharaxiin u dhashay Beesha Xawaadle sida ay horay u sheegtay Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya waxay ku soo adaysa xili ay walaac ka muujisay Beesha caalamku in Maamul ka kale looga dhawaaqo Gobolka Hiiraan ayadoo Madaxwaynihii waayay Kalsoonida Baarlamaanka Hirshabeelle uusan wili aqbalin xilka qaadista lagu sameeyay.

Waxaa si wayn loo adkeeyay amniga Xarunta Farjano oo ah goobta la filayo in sabtida ay ka qabsoonto Doorashada Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeelle iyo guud ahaan Magaalada.

 

Ali Abdiwahab Aden

Ceelhuuronline