MD Farmaajo:” Cadaado waa xarunta Barlamaanka Galmudug”

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa goordhow ku dhawaaqay in Cadaado noqonayso xarunta barlamaanka Galmudug. Labada masuul ayaa shir jaraa’id ku qabtay gudaha garoonka diyaaradaha Cadaado.

Sidoo kale Masuuliyiintaan ayaa sheegay in maamulku ku sii shaqeyn doono Cadaado inta laga diyaarinayo Caasimadda Dhuusamareeb. Goobta looga dhawaaqay arintan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Nabadoonada iyo Waxgaradka Cadaado oo tabasho ka qabay heshiiska Ahlu sunno iyo Galmudug.

Fududeynta arinta ayaa waxaa ka shaqeeyey Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare Senator Abshir Bukhaari, Xildhibaan Abtidoon yare iyo Wasiir Axmed Qoorqoor oo wakiil ka ahaa reer Cadaado, iyagoo labadii cisho ee u dambeysay arintaan u joogay magaalada Cabudwaaq oo ay ku sugnaayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Galmudug. Wadaxaajoodka oo soo maray heerar kala duwan ayaa labada dhinac ka tanaasuleen qodob muhiim u ahaa dhankooda. waxaana ugu dambeyn la isugu yimid meel dhexe.

wixii kusoo kordha nala soco