Xildhibaan Fiqi” Ray’iisul wasaare uma doonan Farmaajo

Wararka Maanta

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Ka titsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Ka hadlay Warar laysla Dhaxmarayay tan iyo Doorashadii Madaxwayne Farmaajo kuwaas oo ah in Fiqi uu raadiyay kursiga Ray’iisul Wasaraha.

Xildhibaan Fiqi oo Kamida  Siyaasiinta Mucaaradka ku ah Hugaanka Farmaajo oo lagu xantaa in Khilaafka asaga iyo Madaxwaynaha uu Salka ku hayo kadib markuu waayay Wasiirka Koobaad ee Xukuumadda Somalia balse Fiqi ayaa hadalkaas Biyo Qaboow ku shubay.waxuuna yiri.

“Aniga Warka lama Ganbado ee Waan la Xishooda Mararka qaar.waxaa jira dad markasta yiraada Ninkii Fiqi ahaa waxuu Farmaajo ku mucaaraday Ray’iisul wasaare u doontay wuuna ka waayay taas waxba kama jiraan.Madaxwayne Farmaajo anaa wax ka doortay waana ku faraxsanahay oo kama Shalaynayo Dooqaygii balse majiro Xil aan ka raadiyay Dowladda Ray’iisul Wasaare Madoonan.Wasiir ma raadin walaa Xil kale uma raadin Farmaajo”

“Wararka Qiyaaliga way iska badan yihiiin oo kuwa dhahaya Axmed Macalin Fiqi Imaaraadka ayuu Lacag ka soo qaatay waxaadna ogtihiiin inaan Baarlamaanka Mooshin ka geeyay Imaaraadka laftiisa sida waad xun ee uu Somalia ula dhaqmayo waad i taqaanaan Aniga igama suuragalaan wax yaabaha qaar.Balse Mucaaradnimadu maaha inaan Dantayda ka wayay Dowladda ama Hisheeye Lacag isoo siiiyay ee waa inaan Qaladaadka saxnaa”

Ugu danbayntii Fiqi oo ka hadlayay in Madaxwaynuhu ka baxay balamo dhowr ah oo uu ku galay Doorashadii 8 February waxuu yiri “Madaxwayne Farmaajo waxuu hareemaray Dhamaan waxuu balan qaaday Doorashadii hal xabo kama hayno Musuq-maasuq iyo qaladaad ayaa jira mana uga aamusayno inaan  kula xisaabtano oo an sheegno waxaana rajaynaa in Somalia helsho dad ogol in lala Xisaabtamo Hugaanka hada jira irdaha ayay ka xirteen dadkii talada iyo toosinta kulahaa Dalka”.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo kamida Mudanayaasha aqalka hoose ee laga soo doortay Galmudug ayaa  lagu Xasuusta inuu sida Farmaajo oo kale mucaarad ku ahaan jiray Dowladdii Xassan Shiikh Maxamuud waxaana lagu tilmaamaa siyaasi jecel inuu ka dhex muuqdo Hugaanka markaas jira