Qasaaro Dhimasho oo ka Dhashay Qarax ka Dhacay Nigeria

Wararka Dibadda Wararka Maanta

Ugu yaraan afar qof ayaa lagu diley dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay xero loogu talagalay dadka barokacayaasha ee waqooyi-bari Nigeria.

Qaraxa ayaa ka dhacay magaalada xuduudka Pulka, ee Gwoza ee gobolka Borno. oo qiyaastii 110 kiiloomitir (70 mayl) koonfur bari ka xigta caasimadda gobolka Maiduguri.

Dhakhaatiirta aan xudduudda lahayn ee MSF, oo daryeel caafimaad u fidiso gobolka, ayaa sheegtay in qaraxu uu dilay saddex qof todoba kalena ay ku dhaawacmeen, halka mid kalena uu dhintay markii loo qaaday daaweyn isbitaalka.

Afhayeenka MSF, Ivan Munoz,  ayaa sheegay in shaqaalahooda oo dhan ay ammaan yihiin, kooxduna waxay ilaalinaysaa xaaladda ammaanka si ay u qiimeeyaan tallaabooyin dheeraad ah,”

Sargaal ka tirsan milateriga Nigeria ayaa xaqiijiyay dhacdada dilaaga ah isagoo dhimashada ku qiyaasa shan qof

Markii hore waxaa loo maleynayay in qaraxu uu sababay bambo. Laakiin ilo milateri ah oo ku sugan deegaanka ayaa sheegay in kadib markii baaritaan la sameeyay  qaraxu uu muujiyay in laga yaabo uu sababtay qara lasoo tuuray.”Waxaana wali baadhaynaa jajabyada qaraxa qafiska si loo ogaado meesha uu ka yimid iyo cidda mas’uulka ka ah,” ayay sheegeen, ilaha militiri.”