Wadamada Islaamka oo Maanta ka Arin sanaya Go’aankii Trump ee Qudus

Wararka Maanta

Shirka Iskaashiga Islaamka OIC ayaa maanta ka furmaya magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, kaddib markii shirkan uu todobaadkii hore ku baaqay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda wadamada ku mideysan ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana looga hadli doonaa xaalada magaalada Qudus iyo go’aankii ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka oo uu ugu aqoonsaday inay tahay Caasimadda Israel.

Dalalka Muslimka ayaa la filayaa inay go’aan mideysan ka qaataan xaalada Qudus iyo hadalkii Donald Trump, iyadoo Turkiga uu hor-boodayo ololaha looga soo horjeedo go’aankii Madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxda ka qeyb galaya shirka, waxaana uu gaaray Istanbul maalintii shalay aheyd.

Dowladda Soomaaliya ayaa 8-dii bishan ka soo saartay bayaan ay uga hadleyso xaalada Qudur, waxaana ay go’aanka Madaxweyne Trump ku tilmaamtay mid halis ah, isla markaana ay ka walaacsan tahay saameynta uu ku yeelan karo mustaqbalka Bariga Dhexe iyo Caalamka.