Madaxwaynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo saaraey War qoraal ah mar uu ka hadlayay Xil ka qaadista ay Baarlamaanka Maamulkiisu ku sameeyeen ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir waxa uu ugu horayn sheegay in Mudanayaashaasi howsha ay qabteen ay bogaadin mudan tahay.
Xaaf ayaa sheegay in ay dhamaystiyaan Shir dib u heshiisiin oo dhexmara ayaga iyo Ahlu-suuna si ay qayb uga noqdaan wajiga cusub oo Galmudug gashay waxaana hadalka laga dha dhasan karaa in uu doonayo in Ahlu-sunna uu ka qanciyo Xilaalka Madaxwayne ku xigeenka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka midkood. sidoo kaale Mr.Xaaf ayaa sheegaya in la qaban doono Shir balaaran oo ay iskugu yimaadaan Isimada iyo Cuqaasha labada Gobol si looga tashado aa yaha Galmudugta Cusub
Madaxawaynaha qudhiisa Baarlamaanku Xilka ka qaadeen ayaa mar kale ku celiyay in Dowladda Dhexe faragalin qaawan ku hayso Maamulkiisa waxuuna xisay in Galmudug Cinqilaab ay la damacsan yihiin wax uu ugu yeeray Cadow uusan suuragalayn asagoo ula jeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay in soo faragaliso arintaan waxuu ka codsaday in ay tilaabada ugu haboon ka qaadan Dowladda dhexe oo ku howlan duminta Maamulkiisa sida uu sheegay Xaaf.
Ugu danbayntii Madaxwayne Xaaf ayaa u mahad celiyay Maamul Goboleedyo uu sheegay in ay garab taagan yihiin Xukunkiisa Shacabka degaanka ayuuna ugu baaqay ka shaqaynta Amniga iyo Xasilloonida Galmudug
Xiisada Siyaasadeed ee Galmudug ayaa cirka isku shareertay waxaana Baarlamaanka Galmudug Xilaalka ka qaadeen Sedexda Masuul ee ugu saraysa Maamulka ayadoo durba lagu dhawaaqay Guddiga doorashada Madaxwaynaha. Xildhibaanadii Xilalka ka qaaday Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxwayne ku xigeenka ayaana dhankooda sheegay in 30 bari gudahood ay k dooran doonaan Masuuliyintii qaban lahayd Xilalkaas howshu haday sidaan ku socotana labo Galmudug ayaa Cadaado kasoo socota
Ali Abdiwahab Aden
Ceelhuuronline