Wasiirka Amniga DFS oo sheegay in Taliyaal Ciidan loo xiray Dhacdadii Xamar-wayne

Wararka Maanta

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ayaa soo bandhigay baaritaankii Saraakiisha Booliska ku hayeen dhacdadii Axadii la soo dhaafay ka dhacday degmada Xamar weyne, kaasoo kooxo watay gaari ay ku rasaaseeyeen gaari kale.

Wasiirka Amniga oo ka hadlayay Xarunta Jen. Kaahiye ayaa sheegay baaritaanka kiiskan ay iska kaashadeen Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska, isagoo xusay in gacanta lagu dhigay ninka laga shakisan yahay iyo gaarigii lagu fuliyay weerarkaas oo baaritaan lagu haayo.

“Waxaa la hayaa cadeymo furo u noqon kara kiiska, dib ayaa laga soo sheegi doonaa marka uu baaritaanka soo dhamaado, gaariga uu ninka watay baaritaan dheeraad ayaa ku socdo”ayuu yiri Wasiir Islow.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in xabsiga la dhigay Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida degmada Xamar weyne oo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan iyo dayac.

“Taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugida ee degmada Xamar weyne xabsiga ayaa la dhigay, xilalkana waa laga qaadaty, sidoo kale waxaa xabsiga la dhigay 12 askari oo ku kala qornaa labo isgoys oo midna weerarka ka dhacay, midna ku dhowaa, waxaa ku raad-joognaa askar kale oo ku qorneyd labada Isgoys”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in tallaabo laga qaadi doono Taliyeyaasha iyo askartii dayacday shaqadii loo xil saaray ma ka gabaiyay waajibaadkooda.

“Waxaa baaritaanka kiiskan u xil saarnay Guddi ka tirsan Taliska Booliska, sida ugu dhaqsiyaha badan halagu soo gaba gabeeyo, dambiilayaasha lagu horkeeno cadaalada, waxaa jiri doono isla xisaabtan iyo dabagal lagu hubin doono shaqada iyo howlaha ciidamada ammaanka, mana jiri doono mas’uul aan gudan waajibaadkiisa oo xil sii heyn doono”ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Natiijada baaritaanka uu soo bandhigay Wasiirka Amniga ayaa noqonaya kiiskii ugu weynaa ee sida wadajir ah ay baaritaankooda uga qeyb qaataan Wasaaradda Amniga iyo Taliska Booliska, iyadoo tan iyo maalintii Khamiistii, markii uu Wasiirku soo saaray amarka, ayaa waxaa socday baaritaano aan kala go’ laheyn.

Dhacdadii todobaadkii hore ka dhacday degmada Xamar weyne ayaa su’aal badan iyo shaki kala duwan dhalisay, markii rag hubeysan oo gaari wadatay ay weerar ka geysteen Xamar weyne, iyadoo halka weerarka ka dhacay ay ka ag-dhowaayeen baro ciidamada ku sugnaayeen.