Waxaa saaka dagan goobihii lagu diriray shalay galab, Alshabaab ayaana ku sugan goobahaas, waxaana wali go’an wadooyinka isku xira Camaara, Ceelhuur iyo Caad, halkaas oo ay difaacyo culus ka sameysteen ciidamada Alshabaab.
Dhanka kale ciidamada Huwanta ayaa xalay ku hoyday magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana ayaa saaka u dhaqaaqeen dhanka degmada Hobyo, waxaana suurtagal ah in ay kasoo wareegaan wadada xeebta ee isku xirta Hobyo iyo Xarardheere.
Degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere ayaa isku jira qiyaastii 120 km oo ah waddo bacaad ah.
Khasaarihii dagaalkii shalay galab ayaa dhanka Galmudug waxaa ka dhintay 1 Askari, iyo dhaawaca 5 kale, Alshabaab ma cadda khasaaraha soo gaaray, balse waxaa la inoo xaqiijiyey in ay dhaawacyo geeyeeen Xarardheere.
Wixii kusoo kordha kala soco ceelhuur.com