Wararkii ugu dambeeyey Shirka Hobyo.

Wararka Galmudug Wararka Maanta

Shirweynaha Beelweynta Habargidir ayaa si habsami ah uga socda magaalo xeebeedka Hobyo, waxaana guddiyada beeluhu soo xusheen ka doodayaan qodobada isafgarad la doonayo in ay saxiixdaan Hoggaanka Dhaqanka Shirweynaha Habargidir. Beri oo Khamiis ah ayaa la filayaa in hoggaanka dhaqanka beeluhu saxiixaan isafgaradka.

Dhanka kale Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Hogaamiyaha Xisbiga Wadahir ayaa maanta soo gaaray Magaalada Hobyo, waxaana uu khudbad kooban ujeediyey Shirweynaha Beesha Habargidir ee ka socda Hobyo.

Odayaasha iyo waxgaradka beesha Saleebaan ayaa 100 Neef oo Ari ah ku wareejiyey guddiga Farsamada Shirweynaha Habargidir, sidoo kale beesha Saleebaan ayaa shalay Qado sharaf u sameeyey Ergada iyo Martida ka qeybgalaysa Shirweynaha.

Ceelhuur.com ayaa ogaatay in Shirweynaha Beesha Habargidir ee ka socda Hobyo ay suurtagal tahay in lagu soo afmeero 7 ilaa 10 maalmood. Bulshada Soomaaliyeed ayaa indho rajo ku eegaya Shirweynaha oo gunaanadkiisa la filayo in lagu dhiso Gole Hogaamineed oo ka kaboon 55 xubnood, Golahaas oo ay ka go’do Talada beesha Habargir ee Dhaqanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo garsoorka.