Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay dhoofinta Xoolaha

Wararka Maanta

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa kulan waxa uu la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dalkaasi,iyaga oo ka wada hadlay dhoofinta Xoolaha loo iibgeeyo Sacuudiga ee laga qaado Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa uu dhexmaray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka,Wasiirka Maaliyadda Cabdiramaan Ducaale Beyle,Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaaliya iyo Wasiirka Deegaanka, Biyaha iyo Beeraha boqortooyada Sucuudiga, Eng. Cabdiraxmaan bin Abdulmohsen Al-Fadley.

Kulanka ayaa waxaa intiisa badan ay diirada ku saareen qorshaha xoolaha Soomaaliya loogu iib-gaynaayo suuqyada dalka Sucuudiga,sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

U jeedada ay dhawaan dalka Sacuudiga u tageen wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya ayaa qeyb ka ah Dhoofinta Xoolaheenna iyo sidii acmaasha Xajka loogu fududeyn lahaa mawaadiniinta Soomaaliyeed.