Wolfsburg Oo Xaqiijisay In Julian Draxler Uu Ku Biiraayo Paris Saint-Germain

Ciyaaraha

_93117607_draxler_reuters

Wolfsburg ayaa xaqiijisay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Julian Draxler uu ku biiri doona kooxda Paris Saint-Germain marka uu furmo suuqa kala iibsiga bisha Janaayo.

PSG iyo Arsenal ayaa Labada  si xoogan loola xiriirinaayey inay lasoo wareegaan xiddiga Jarmalka, laakiin kooxda Bundesliga ayaa ku dhawaaqday in 23-sano jirkaan uu ugu  biiri doono Paris lacag lagu sheegay  £ 34m.

Draxler ayaa ka tagi doono Wolfsburg isagoo dhaliyay sideed gool 47 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

W/D Hafsa Haji