Daafaca Kooxda Barcelona Thomas Vermaelen Oo Amaah Ugu Biiray Roma

Ciyaaraha

CpWQlMAXYAA1fRV

Barcelona ayaa ku dhawaaqday in daafaca Thomas Vermaelen ay u ogolaatay inuu ugu dhaqaaqo Roma  xilli ciyaareed amaah ah.

30-sano jirkaan  ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Arsenal, halkaas oo uu ku qaatay muddo shan sano ah, halka Liverpool ay sidoo kale lagu xamanaayay in  ay xiiseynayaan.

Si kastaba ha ahaatee, Vermaelen ayaa doortay inuu ku biiro kooxda ka dhisan Serie A ee Roma, oo sidoo kale waxaa la isku raacay in si joogta ah u iibsan karaan daafaca dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Vermaelen ayaa Gunners uga soo biiray Barcelona 2014, laakiin dhaawacyo badan ayaa hareeyay ciyaaryahankan kaasoo si fiican uga soo muuqan waayay.

Daafaca dhexe ayaa ku dhibtooday inuu  galo kooxda koowaad,  21 kulan ayuu  u saftay wadar ahaan.

Comments are closed.