Weeraro Ismiidaamin ah oo ka dhacay Tiyegloow

Wararka Maanta

Wararka naga soo gaaraya Tiyegloow ayaa sheegaya in ismiidaamin lala beegsaday Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Koonfur Galbeed, oo shalay gaaray afaafka hore ee Degmadaasi.

Gaari xamuul ahaa oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, ayaa waxay Shabaabku la beegsadeen qaar ka mid ah labada ciidan oo ku sugan mid ka mid ah wadooyinka laga soo galo Degmada Tiyeeglow.

Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Tiyeeglow, Maxamed Isaaq Cabdi, ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi looga dilay afar askari, halka tiro kalana ay kaga dhaawacantay, sida uu yiri.

Maxamed Cabdalla Xasan (Foodcadde), Gudoomiyaha Degmada Tiyeeglow, ayaa isaguna sheegay inay fashiliyeen illaa toddobo kale oo ismiidaamin ah, ka dib markii ay toogteen xubnihii ismiidaaminta ku qornaa.

General Xasan Isaaq Cumar (Xasan Baydhabo), Taliyaha Guutada 8-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa sheegay in dagaalka  Tiyeeglow uu ku tilmaami karo midkiisii ugu adkaa, oo labada dhinac isaga horyimaadaan, sida uu yiri.

Taliyaha oo hogaaminaya hawlgalkan, ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ay ku dileen 50 nin oo ka tirsan Al Shabaab, iyagoona horey u qaatay sida uu sheegay dhaawacyo fara-badan.

Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Tiyeeglow, ayaa Warbaahinta u sheegay in dagaalka lagu dilay ugu yaraan shan nin oo ajaaniib ah, inkastoo aanu kala sheegin dalalka ay u kala dhasheen.

Xildhibaan Ibraahim Xasan Buule oo ka mid ah raga horkaceysa labada ciidan, ayaa iftiimiyay inaysan dib uga laaban doonin Degmada Tiyeeglow, illaa iyo inta ay ka soo celinayaan dadkii ka barakacay Degmadaasi.

Comments are closed.