Qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa lagu sheegay in tan iyo burburkii dowladii hore ee Siyaad Barre dalka uusan lahayn hal calan oo la isku raacsan yahay.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu xusay in xafiisyada dowlada ay yaalaan calamo kala duwan sida qaar ah buluug qafiif ah,buluug madow ah, buluug dhexe iyo weliba xiddigo kala jeeda.
Heshiis Ganacsi la galaysa shirkadaha sameeya daabacaada ee awooda u leh inay naqshadeeyaan Calanka Soomaaliyeed ayaa muddo toban sano ah laga doonayaa in meel walba oo dalka ka mid ah ay geyn karaan calan.
Tartan daah-furan ayey wasaaradu sheegtay in loo sameyn doono shirkadaha soo buuxin kara shuruudaha uu soo saaray Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo ku qoran Warqada hoose:-